Saturday, July 27, 2024

Somaliland oo ka hortimid go’aanka ay Soomaaliya ku aqoonsatay SSC

Hargeysa (Dawan)- Somaliland ayaa si adag uga hortimid go’aankii ay dowladda Soomaaliya ku aqoonsatay maamulka kumeel gaarka ah ee SSC Khaatumo.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in go’aanka Soomaaliya la mid yahay weerar lagu soo qaaday qaranimada iyo madax bannaanida Somaliland, kaas oo wax u dhimi kara xasiloonida Geeska Afrika.

Somaliland ayaa sheegtay in go’aankaas uu caddeyn u yahay sida Soomaaliya ay uga qayb qaadanayso hurinta dagaallada iyo xasillooni darrada ka taagan magaalada Laascaanood tan iyo markii ay bilaabmeen.

Somaliland ayaa baadi goob ugu jirtay in ay aqoonsi ka hesho caalamka in ka badan 30 sano, waxeyna ku guuleysatay in ay qabato doorashooyin kala duwan kuwaaas oo ay ku dooneysay in ay caalamka uga hesho in loo aqoonsado dowlad ka madax bannaan Soomaaliya.

11 sano ayaa laga joogaa markii dowladdii ku meelgaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Somaliland uu dhexmaray wada hadalkii ugu horeeyay kadib ku dhawaaqistii gooni isku taaga Somaliland oo hada laga joogo 32 sano.
Dhowr isku day oo ay dowladda Soomaaliya ku dooneesay midnimo kale mudadaas ma jirto wax natiijo ah oo laga gaaray midowga Somaliland iyo Soomaaliya.

Somaliland ayaa dhawaan caddeysay mowqifka nuuca wada hadal ee ay le geleyso Soomaaliya, iyada oo meesha ka saartay qorshaha ah in laga wada hadal midnimo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here