Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa si cad u sheegay in Somaliland ay sii wadi doonto difaaca madaxbannaanideeda iyo xuduudaha dhuleed ee ay leedahay kana difaaci doonto xadgudub kasta.
Hadalkan ayuu ku Cirro ku sheegay khudbadiisii uu ka jeediyay labada gole ee Baarlamaanka, isagoo ka hadlay guulaha Golaha wasiiradiisa ee100-kii maalmood ee ay jirtay.
Madaxweynaha oo ka hadlay booqashadii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee Laascaanood ayaa sheegay in Somaliland ay si adag uga soo horjeedo isku day kasta oo Soomaaliya ay ku dhaawici karto madaxbannaanideeda. Waxa uu tilmaamay in booqashadii Ra’iisul Wasaaraha ay ahayd xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida Somaliland, isla markaana ay Somaliland ka soo saartay bayaanno muujinaya mowqifkooda oo ay ku jirtay ah in la laalay wadahadalladii u wada socday labada dhinac.
Cirro ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ay beesha caalamka ku wargelisay in imaantinka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu yahay ku xadgudub Qaranimada Somaliland, isla markaana uu dagaal qaawan ku soo qaaday Somaliland si ay ugu khalkhal geliso dadaallada nabadaynta iyo walaaleynta ee ay Somaliland waddo. Waxa uu ka digay in xadgudubkani uu sababi karo colaado sokeeye oo soo degdega.
“Mar labaad, Waxa aan ka digeynaa in xadgudubkaasi uu sababi karo colaado sokeeye oo soo degdega.” Ayuu yiri Cirro.
Madaxweynuhu waxa uu intaas ku daray in Somaliland ay sii wadi doonto difaaca xuquuqdeeda iyo madaxbannaanideeda, isagoo caddeeyay in Somaliland had iyo jeer ku dadaali doonto nabadda iyo xasilloonida gobolka, isla markaana ay dhiseyso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah iyo beesha caalamka.