Muqdisho (Dawan ) – Barnaamijka HACK4Somalia 2025 ayaa si rasmi ah looga daahfuray magaalada Muqdisho 20-kii Luulyo 2025, kaas oo dhalinyarada Soomaaliyeed isugu keenaya in ay horumariyaan xalal farsamo oo wax looga qabanayo caqabadaha horumarineed ee dalka.
Barnaamijkan waxaa qabanqaabinaya Jaamacadda Muqdisho iyada oo gacan ka helaysa Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya, waxaana si madax-bannaan u fulinaya khubaro, bareyaal jaamacadeed, iyo la-taliyeyaal aqooneed. Waxaa uu ku wajahan yahay ardayda jaamacadaha, ardayda qalin-jabisay dhawaan, iyo dhalinyarada xirfadlayaasha ah ee xiiseysa hal-abuurka iyo horumarinta bulshada.
Xafladdii furitaanka oo lagu qabtay gudaha Safaaradda Turkiga ee Muqdisho, waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, diblomaasiyiin, wakiillo ka socda hay’adaha caalamiga ah, iyo ganacsato Soomaaliyeed, taasoo muujinaysa xiisaha sii kordhaya ee la xiriira kaalinta dhalinyarada ee hal-abuurka bulshada.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Nuuro Mustafe Mukhtaar, oo ka hadashay munaasabadda ayaa tiri:
“Waa masuuliyad naga saaran dowladda inaan dhiirrigelino maskaxda dhalinyarada Soomaaliyeed oo ah tiirka ugu weyn ee dib-u-dhiska qaranka.”
Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş, isna waxa uu xusay:
“Tani kaliya ma aha mashruuc, waa astaan mideyneysa yididiilo la wadaago—Soomaaliya adkeysi leh, isku filan, oo hal-abuur leh, oo ay hogaaminayaan dhalinyaradeeda.”
Barnaamijku waxa uu socon doonaa muddo dhowr bilood ah, waxaana dhalinyaradu ku tartami doonaan lix mowduuc oo waaweyn: biyo nadiif ah iyo fayadhowr, tamar nadiif ah, adkeysiga cimilada, beeraha waara, adeegyada dadweynaha ee dijitaalka ah, iyo waxbarashada dijitaalka ah. Kooxaha ka qeybgalaya waxay heli doonaan tababaro iyo la-talin farsamo si ay u horumariyaan xalal ku saleysan baahiyaha dhabta ah ee bulshada Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, Dr. Ibraahim Maxamed Mursal, ayaa sheegay:
“Haddii dhalinyarada Soomaaliyeed la siiyo garab istaag iyo tababar, waxay awood u leeyihiin inay keenaan xal waara oo caqabado 35 sano horyaallay ay ka gudbaan.”
Qaab-dhismeedka Barnaamijka iyo Yoolasha
HACK4Somalia 2025 waxa uu si furan loogu talagalay in dhalinyaradu ay u adeegsadaan hal-abuurka iyo horumarka bulshada. Waxaa la filayaa in 15 ilaa 20 koox oo dhalinyaro ah ay ka qeyb galaan, iyadoo ugu yaraan 15 xalal farsamo ah la horumarin doono. Shan ka mid ah mashaariicda ugu wanaagsan ayaa heli doona fursad lix bilood ah oo dhanka horumarinta ganacsiga iyo tijaabinta xalalka.
Waxa la filayo in natiijooyinka ay noqdaan:
- Ugu yaraan 15 xal farsamo ama digital ah oo wax ka qabta dhibaatooyin dhab ah;
- 50 ilaa 75 ka qeybgaleyaal ah oo xirfadahooda hal-abuurka, shaqo-wadaagga, iyo ganacsiga la dhiso;
- Iskaashi dhexmara jaamacadaha, bulshada rayidka ah, dowladda, iyo ganacsatada gudaha;
- Madal si weyn u muujisa kartida dhalinyarada Soomaaliyeed heer qaran iyo caalami ah.
Caqabadaha Dhabta ah iyo Yoolalka Fog
Barnaamijku waxa uu ku soo beegmayaa xilli Soomaaliya ay wajahdo caqabado is-biirsaday oo dhanka adeegyada, kaabeyaasha dhaqaalaha, deegaanka, iyo fursadaha dhaqaale. Inkastoo uu yahay barnaamij yar oo horumarineed, haddana waxaa loo arkaa fursad lagu beddelo qaabkii caadiga ahaa ee xal-u-raadinta dalka, loogana wareego dibadda una wareego hal-abuur gudaha ah.
Si loo hubiyo sii socoshada mashaariicda guuleysta, qabanqaabiyeyaasha waxay soo bandhigeen istaraatijiyad waarta oo ay ka mid yihiin:
- Tababaro joogto ah oo lagu bixiyo xarumaha hal-abuurka ee Jaamacadda Muqdisho;
- Iskaashi lala sameeyo xarumaha tijaabada ganacsiga, NGO-yada, iyo ganacsiyada maxalliga ah;
- Qabanqaabinta barnaamijyo xiga sida maalmaha demo-ga iyo shirarka shabakadda ardayda hore.
Barnaamijkan waxa uu u muuqdaa mid diiradda saaraya hal-abuurka bulshada, awood-siinta dhalinyarada, iyo u adeegista horumarka dadweynaha—iyadoo aanay jirin cid gaar ah oo ganacsi ama siyaasadeed si toos ah ula xiran.