Monday, June 2, 2025

Ka Tegistii Madaxtooyada Way Adkeyd, Balse Soomaaliya ayaa Codkayga u baaha.

By: Zamzam Mohamed Osman


Dawan Media – 31 May 2025 – Daahir Maxamuud Geelle, oo horey u ahaa La-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya isla markaana hadda ah afhayeenka rasmiga ah ee mucaaradka, ayaa 30 May 2025 si cad uga sheegay warbaahinta Dawan go’aankiisa inuu ka tago Villa Soomaaliya, isagoo sheegay in xilka uu hayay uu ahaa mid culus oo sharaf leh balse duruufaha siyaasadeed ee dalka ay qasbeen inuu isaga tago.

Lataliye madaxweyne meel kasta oo dunida ka mid ah waa xil weyn. Ka tegista xilkaas oo mucaaradka lagu biiro ma ahan go’aan sahlan,” ayuu yiri Geelle mar uu la hadlayay Dawan Media. “Laakiin talooyinka aan doonayo inaan gudbiyo waxaa si dhab ah ugu baahan shacabka Soomaaliyeed — waxaana aaminsanahay in aan si xor ah u gudbin karo anigoo aan ka tirsaneyn xukuumadda.

Geelle oo horey usoo noqday Wasiirka Warfaafinta, Xildhibaan, iyo Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Sacuudi Carabiya, wuxuu sheegay in isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ay si rasmi ah isugu afgarteen in wadashaqeyntooda ay dhammaatay.

Madaxweynuhu wuu fahmay in xiligii aan isla shaqeyneynay uu dhamaaday,” ayuu yiri. Wuxuuna intaas ku daray in xilkiisa cusub uu u saamaxayo inuu si cad uga hadlo arrimaha dastuurka, doorashooyinka iyo in nidaamka siyaasadeed loo adeegsado danaha shacabka — ee aan loo adeegsan dano shaqsiyeed.

Geelle ayaa sidoo kale cambaareeyay isbeddellada lagu sameeyay sharciga doorashooyinka, isagoo ku tilmaamay mid hal shaqsi ah, wuxuuna ugu baaqay dowladda in dib loogu laabto dastuurka iyo hannaan doorasho oo loo dhan yahay.

Shacabka Soomaaliyeed mar labaad ayey doorteen madaxweynahaan — waana kii ugu horreeyay ee taariikhda Soomaaliya loo doorto laba jeer,ayuu yiri Geelle. “Waa inuu ka fogaado inuu dhabarka u jeediyo nidaamkii taas suuragal ka dhigay.

Hadalada Geelle ayaa kusoo beegmaya iyadoo Muqdisho laga dareemayo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo xooggan, halkaas oo hoggaamiyeyaasha mucaaradku ay ku leeyihiin shirar isdabajoog ah oo looga hadlayo doorashooyinka, Dastuurka madax-bannaanida hay’adaha dowladda iyo ammaanka dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here