Jigjiga, Abriil 2025 – Xafiiska Caafimaadka Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejiyay 8 gaari oo ah kuwa gurmadka degdegga ah xarumaha caafimaadka iyo cusbitaallada degmooyinka Fiiq, Beercaano, Shiniile, iyo Mooyaale. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah siyaasadda caafimaadka DDS oo xoogga saarta in si degdeg ah looga jawaabo tabashooyinka bulshada.
Gadiidkan oo ay ku baxday miisaaniyad dhan 25 milyan oo birr ayaa waxaa lagu soo iibiyay mashruuca SDH oo uu maalgeliyo Midowga Yurub. Munaasabadda wareejinta waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDS Dr. Muuse Axmed iyo masuuliyiin kale.
Wasiir ku-xigeenka caafimaadka DDS, Maxamed Ayaanle Xasan, ayaa sheegay in gaadiidkan uu ka jawaabayo baahi weyn oo jirtay, isagoo yiri:
“Ku wareejinta gaadiidka gurmadka degdegga ah afar degmo oo mashruuca EU ka howlgali jiray – waa mashruuc muddo saddex sano iyo bar socday oo horey taageero u siinayay afartan degmo iyo isbitaallada ku yaalla degmooyinkaas.” Tallaabadan ayaa lagu xoojinayaa isku xirka bulshada iyo goobaha caafimaadka, iyadoo la filayo in ay sare u qaaddo helitaanka adeegyada caafimaad ee degdegga ah