(Muqdisho – Dawan) Dowladda Hindiya ayaa sheegtay maalinimadii sabtiga in ay Soomaaliya ugu deeqday gargaar bani’aadannimo oo isugu jira daawooyin, qalab qalliin, iyo agab caafimaad oo muhiim u ah xarumaha daryeelka bulshada.
War qoraal ah oo lagu daabacay bogga rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya ayaa lagu sheegay in shixnaddan gargaar oo dhan 10 tan, ay qeyb ka tahay dadaalka Hindiya ay ugu talo gashay in lagu taageero shacabka Soomaaliyeed ee wajahaya xaalado adag.
“Shixnad ka kooban 10 tan oo gargaar bani’aadannimo ah, oo ay ku jiraan daawooyin, qalab qalliin, agab isbitaalada muhiim u ah ayaa loo diray soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaarada arimaha dibadda Hindiya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah usoo dhaweysay deeqda, iyadoo ku tilmaantay talaabo waqti ku habboon oo lagu xoojinayo adeegyada caafimaad ee degdegga ah.
Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Soomaaliya, Maxamed Xasan Maxamed, ayaa bartiisa bulshada ku yiri:“Waxaan u mahadcelinaynaa Dowladda iyo shacabka Hindiya taageeradan caafimaad ee muhiimka ah oo ka kooban 10 tan oo ah daawooyin muhiim ah, qalab qalliin iyo agab isbitaaleed. Waxay timid waqtigeedii si ay u xoojiso awooddeenna gurmadka degdegga ah.”
Isagoo sii hadlayay ayuu xusay in deeqdan “ay muujinayso xiriirka xooggan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Hindiya, sidoo kalena ay xoojineyso himiladeenna wadajirka ah ee ku aaddan adkeysiga caafimaadka iyo amniga qaranka.”
Hindiya ayaa geesta kale cadeysay in gargaarka bani’aadannimo ee Hindiya ufidineyso soomaaliya uu sii socon doono.Inkastoo aan weli la shaacin dariiqa iyo waqtiga rasmiga ah ee shixnaddan ay ku gaari doonto gudaha Soomaaliya.Gargaarka Hindiya ayaa yiimid iyadoo Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNHCR ay dhowaan ka digtay xaalad bani’aadannimo oo aad u daran oo ka jirta Soomaaliya. Warbixin ay bishan July soo saartay ayay ku sheegtay in in ka badan 5.9 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah.
UNHCR ayaa si gaar ah uga digtay cunno la’aan iyo nafaqo-xumo baahsan, iyadoo sheegtay in 4.6 milyan oo qof ay wajahayaan cunno la’aan daran, halka 1.8 milyan oo carruur ah la filayo inay wajahaan xaalado nafaqo-xumo halis ah inta lagu jiro sanadka 2025.