Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya oo camabaareysay qaraxii Ankara

Muqdisho (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarkii iyo qaraxii shalay ka dhacay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, kaasi oo lala beegsaday xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaas.

“Dowladda Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa weerarkii fuleynimada ahaa ee ka dhacay magaalada Ankara ee Turkey, waxaana ka tacsiyeyneynaa dadkii dhibaatadu soo gaartay” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ayaa ku celisay sida ay uga go’an tahay in ay dowladda Turkiga ku garab taagantahay ka hortagga argagixisada, iyadoo ugu baaqaday caalamka in meel looga soo wada jeesto argagixisada.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarka, isagoo sheegay inuu ahaa weerar fuleynimo ah oo lagu bartilmaameedsaday dad aan waxba galabsan.

“Soomaaliya waxa ay garab taagantahay shacabka iyo dowladda aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Turkiga, waxaana si adag u cambaareyneynaa falkii argagixiso ee ka dhacay Ankara . Falkaan fulaynimada ah ee la doonayo in lagu waxyeeleeyo nolosha dadka aan waxba galabsan, waxa uu nagu adkeynaya inaan wadajir ah uga hortagno argagixisada” ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku soo qoray bartiisa rasmiga ah ee X.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in weerarkii ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Ankara uu ka dhigan yahay “Neeftii ugu dambeysay ee argagaxisada.”

Erdogan ayaa carabka ku adkeeyay in ciidamada dalkiisa ay sii wadi doonaan halganka ay ku jiraan ilaa iyo inta laga ciribtirayo argagixisada gudaha iyo dibadda dalka Turkiga.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Turkiga, Cali Yerlikaya ayaa booqday laba sarkaal oo ku dhaawacamay weerarka, wuxuuna ku bogaadiyay geesinimada ay muujiyeen ciidamada ku guuleystay in ay fashiliyaan falkii argagixisada ahaa ee ka dhacay afaafka hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Ururka PKK ee dagaalka kula jira ciidamda Turkiga ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka oo ay ku tilmaameen mid u falay sidii loogu tala galay.

Mileteriga Turkiga ayaa weerar ku qaaday xarumaha PKK ee Waqooyiga Ciraaq saacado uun kadib markii qarax ka dhacay magaalada Ankara.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa lagu sheegay in diyaaradaha dagaalka Turkiga ay weeraro dhanka cirka ah ka fuliyeen gobollada Metina,Hakurk, Kandil, iyo Gara, waxayna burburiyeen godad iyo goobo gabbaad u ah xubnaha PKK.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here