Jabuuti – Dekedda Doraleh ayaa sii xoojisay doorkeeda muhiimka ah ee ganacsiga gobolka, kadib markii ay Jabuuti si rasmi ah u soo dhaweysay 10 konteenar oo cusub oo loogu talagalay horumarinta adeegyada rarista iyo dejinta shixnadaha.
Munaasabad ballaaran oo lagu qabtay dekedda Doraleh ayaa lagu soo bandhigay qalabkan cusub, waxaana hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Shirkadda STTD, Cabdullaahi Cadaawe, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiin ka socday Shiinaha.
“Qalabkan waxa uu ka mid yahay mashruucii weynaa ee aan bilownay sanadkii lasoo dhaafay. Waxaan horey u helnay afar biir oo shaqadoodu la xiriirto rarista iyo dejinta shixnadaha markabka iyo badda,” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee STTD, Cabdullaahi Cadaawe.
Waxa uu intaas ku daray in qalabkani sare u qaadi doono waxtarka iyo fududeynta adeegyada xamuulka konteenarrada, taasoo gacan ka geysan doonta yareynta culeyska shaqada ee dekedaha Jabuuti. Qalabkan waxaa siday markab laga leeyahay dalka Shiinaha oo lagu magacaabo YUAN FU, waxaana uu qeyb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada dekedaha dalka.
Agaasimaha Guud ee STTD, Cabdullaahi Cadaawe, ayaa sidoo kale xusay in sanadkii hore culeyska shaqo ee ka jiray biraha socodsiinta ganacsiga uu saameyn ku yeeshay kobcinta dhaqaalaha Jabuuti isagoo intaas ku daray in iyadoo taas laga duulayo ay diirada saareen sidii ay u yareyn lahaayeen culeysyada shaqada.
“Iyadoo taas laga duulayo, sanadkan waxaan si weyn diiradda u saarnay sidii aan u yareyn lahayn culeysyada shaqada, isla markaana u horumarin lahayn kobcinta dhaqaalaha,” ayuu yiri Agaasimaha Guud.
Dekedda Doraleh ee Jabuuti ayaa horay u shaacisay inay konteenarada laga soo dejiyay ay gaareen hal milyan bishii October ee sanadkii 2024, taas oo noqoneysay markii ugu horreysay tan iyo markii la aasaasay ee dekedda laga soo dejiyo hal milyan oo konteenar muddo 10 bilood ah.
Dekedda Doraleh, oo shaqada bilowday sanadkii 2009, ayaa leh awood sanadle ah oo gaarsiisan 1.6 milyan oo tan, taas oo ka dhigaysa ilaha ugu weyn ee dakhli kasoo gala Jabuuti, iyadoo ay ku taallo meel istiraatiiji ah oo isku xirta marinada badda ee Bariga iyo Galbeedka, Koonfurta iyo Waqooyiga, taas oo kor u qaaday doorka dekedda Doraleh ee ganacsiga iyo loojistikada Bariga Afrika.