Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray buundada cusub ee Garoowe — taasi oo noqoneysa buundadii labaad ee caasimadda yeelato tan iyo aasaaskeedii. Buundadan casriga ah ayaa loo arkaa astaan muuqata oo muujinaysa horumarka magaalo-madaxda Puntland, iyadoo door weyn ka qaadan doonta isku socodka bulshada, ganacsiga, iyo horumarka dhaqaale ee gobolka.
Madaxweynaha ayaa khudbad uu ka jeediyey munaasabadda furitaanka ku bogaadiyey maamulka degmada Garoowe, Bangiga Adduunka, iyo dhammaan cid kasta oo ka qeyb qaadatay hirgelinta mashruucan. Wuxuu xusay in buundadan iyo wadooyinka kale ee casriga ah ee la dhisay ay muujinayaan sida Puntland ay uga go’an tahay in si mas’uuliyad leh loo fuliyo mashaariicda horumarineed.
“Mashruucan waxa uu tusaale u yahay sida Puntland u rabto in loo fuliya mashaariicda dalka – si madax bannaan, lagana ilaaliyo siyaasadeynta iyo dano gaar ah oo carqaladeyn kara horumarka,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Wuxuu sidoo kale ka digay mashruucyo horay loogu soo maleegay dano dhaqaale oo gaar ah, isagoo sheegay in aysan waxba ka hirgelin mashruuc kasta oo lagu xadgudbo danaha dadweynaha.
Buundadan cusub ayaa qeyb ka ah dadaallada ballaaran ee lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha Puntland, si loo dhiso adeegyo tayo leh iyo bilicda caasimadda Garoowe.