Saturday, July 27, 2024

Spain oo markii ugu horeysay ku guuleysatay koobaka adduunka ee haweenka

Australia (Dawan)- Xulka qaranka haweenka dalka Spain ayaa ku guuleystay markii ugu horeysay koobka kubadda cagta adduunka ee haweenka kadib markii ay ka badiyeen xulka England.

Gool ay dhalisay Olga Carmona daqiiqaddii 29-aad qeybta hore ee ciyaarta ayaa u suura geliyay Spain inay hanato koobka kubadda cagta adduunka haweenka ee sannadkaan lagu qabtay dalka Australia.

Jennifer Hermoso ayaa Spain ka khasaarisay gool ku laad qeybtii danbe ee ciyaarta balse xulka haweenka England ayaa awoodi waayay inay soo bareejeeyaan ciyaarta taas ugu danbeyntii soo xirtay rejadii ay ka qabeen hanashada koobka.

Xulka haweenka Sweden ayaa kaalinta saddexaad galay, kadib markii ay 2 iyo 0 uga badiyeen marti geliyaasha sannadkaan ee Australia.

Koobka adduunka haweenka ayaa sannadkaan xanbaarsanaa xiisa gaar ah, waxaana muuqatay in taageerayaasha kubadda haweenka ay soo bateen sidoo kalena warbaahintu gelisay dadaal dheeraad ah .

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here