Wednesday, December 4, 2024

Denmark oo Soomaaliya ka cafisay $17 Milyan oo deyn ah

Muqdisho (Dawan)- Dowladda Soomaaliya iyo Denmark ayaa gaaray heshiis muhiim ah oo lagu cafinayo deyn dhan $17 milyan oo ay Denmark ku lahayd Soomaaliya . Heshiiskan, oo lagu saxiixay magaalada Muqdisho, waxaa qalinka ku duugay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, iyo Safiirka Denmark ee Soomaaliya, Steen Sonne Andersen.

Cafinta deymahan ayaa qayb ka ah barnaamijka caalamiga ah ee HIPC, kaas oo Soomaaliya ka caawinaya dhimista deymaha lagu leeyahay si ay u hirgeliso isbeddelada dhaqaale iyo dib-u-habaynta lagama maarmaanka ah. Wasiirka Maaliyadda ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid ka mid ah guulaha la taaban karo ee barnaamijka dib-u-habaynta qaranka, isaga oo bogaadiyay in la soo geba-gebeeyo heshiiska cafinta.

“Waxaa dhaboobay miraha ka dhashay barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo guulihii laga gaaray hannaankii deyn cafinta, waxa aan u mahadcelineynaa Dowladda Denmark oo ah saaxiib qiimo leh oo qeyb ka ah horumarka maaliyadeed ee Soomaaliya”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda, Biixi Imaan Cige.

Safiirka Denmark ayaa isna xaqiijiyay in dalkiisa uu sii wadi doono taageerada joogtada ah ee uu siinayo Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada ku aaddan dib-u-habaynta dhaqaalaha. “Denmark waxa ay ku faraxsan tahay in ay Soomaaliya ka cafiso deyn dhan $17 milyan, waana ku dhiirigelineynaa inay sii waddo isbeddelada wax-ku-oolka ah ee dhaqaalaha,” ayuu yiri Safiirku.

Heshiiskan ayaa daba socday wada-xaajoodyadii hore ee bishii March ay Soomaaliya la yeelatay dowladaha ku bahoobay Paris Club laguna go’aamiyay in Soomaaliya laga fududeeyo caqabadaha dhaqaale ee ay la tacaaleyso.

Dadaallada cafinta deymaha ee Soomaaliya ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo dhawaan Mareykanka uu ka cafiyay Soomaaliya in ka badan $1 bilyan oo deyn ah, halka Japan ay cafisay deyn ka badan $100 milyan. Cafinta deymahan ayaa loo arkaa tallaabo weyn oo horseedi karta horumar waara oo dhanka dhaqaalaha ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here