Tuesday, May 6, 2025

Soomaaliya oo Ka Qeyb Gashay Shirka Booliiska EAPCCO ee Addis Ababa

Addis Ababa, Itoobiya – Wafdigii uu hoggaaminayay Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Cusmaan Cabdulaahi Maxamed (Kaniif), ayaa ka qeyb galay Shirka Booliiska ee Dalalka Ku Midoobay Ururka Iskaashiga Taliyayaasha Booliska Bariga Afrika, kaas oo shalay ku soo xirmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka kasoo baxay Boliiska Soomaaliya Shirkan ayy diiradda lagu saaray amniga iyo xoojinta la dagaallanka argagixisada, ayaa sidoo kale looga hadlay sidii loo sii xoojin lahaa la dagaallanka kooxaha isticmaala lacag dhaqiska iyo sidii loo horumarin lahaa iskaashiga amni ee dalalka.

Qoraalka ayaa intaasi kudaray in intii uu shirka socday, Taliye Ku Xigeenka iyo Taliyaha Hoggaanka Interpol, Sareeye Guuto Maxamed Cabdulle Dhore, ay kulammo gaar ah la yeeshay Taliyayaasha Booliiska dalalka ku midoobay ururka, iyaga oo isku raacay in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan ka hortagga argagixisada.

“Dib-u-habaynta tababarada iyo xirfadaha booliiska Soomaaliyeed waxay muhiimad gaar ah u leeyihiin xoojinta awooda ciidan ee dalka,” ayuu yiri Taliye Ku Xigeenka.

Shirkan ayaa muujinaya sida Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta amniga iyo iskaashiga caalamiga ah ee la dagaallanka argagixisada iyo dhibaatooyinka amni ee gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here