Awbare, DDS – Waxaa si rasmi ah loo dhagax-dhigay mashruuca cusub ee biyo-gelinta magaalada Awbare, kaas oo ay ku baxeyso dhaqaale ka badan 500 milyan oo Birr.
Munaasabadda dhagax-dhigga mashruucan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS)Mustafe Muxummed Cumar, iyo Wasiirka Xafiiska Biyaha DDS, Injineer Axmed Miraad Layli.
Mashruucan muhiimka ah ayaa la filayaa in uu biyo nadiif ah gaarsiiyo in ka badan 58,000 oo qof, wuxuuna qorshuhu yahay in la dhameystiro muddo dhan sanad iyo lix bilood gudahood.
Madaxweynaha Dowlad deegaanka soomaalida ayaa sheeegay in mashruucaan biyo gelinta ah uu dhameestiranyahay hanaankii lagu fulin lahaaa.
“ mashaariicdaan waa kuwo qandaraaslihii, lacagtii iyo miisaaniyadii ay diyaar yihiin oo shaqadooda la bilaabayo “ madaxweynaha DDS Mustafe muxumed cumar.
Dowladda deegaanka ayaa tan iyo isbeddelkii siyaasadeed ee dhacay xoogga saartay kor u qaadista adeegyada aasaasiga ah, gaar ahaan helitaanka biyo nadiif ah oo la gaarsiiyo dhammaan magaalooyinka deegaanka.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu doonayo in lagu xaqiijiyo horumar waara iyo nolol tayo leh oo ay ku naaloodaan shacabka DDS.
Mashruuca Awbare ayaa lagu tilmaamay mid kamid ah mashaariicda tiir-dhexaadka u noqon doona yoolka dheer ee dhanka horumarinta adeegyada biyaha ee deegaanka.