Jigjiga ,Itoobiya : Munaasabad sagootin ah ayaa loo qabtay koox dhaqaatiir ah oo muddo todobaad ah qalliinka wadnaha ka fulinayay Isbitaalka Taqasusiga Darajada Sare ee Sheikh Xasan Yabare, taas oo qayb ka ahayd wareegii labaad ee ololaha qalliinka wadnaha. Kulankan ayaa loo agaasimay si loogu mahadceliyo dhaqaatiirta iyo shaqaalaha isbitaalka kuwaas oo adeeg muhiim ah u fidiyay caruur iyo dad waaweyn oo qaba xanuunada wadnaha.
Dr. Cabdillahi Xuseen, Maareeyaha Isbitaalka, oo munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in isbitaalku ku guuleystay inuu deegaanka u keeno adeegga qalliinka wadnaha oo ah mid ka mid ah qalliimada ugu culus. Wuxuu xusay in marka laga reebo caasimadda Addis Ababa, deegaanka Soomaalidu yahay goobtii ugu horreysay ee Itoobiya gudaheeda laga fuliyo qalliinkan oo kale. Isbitaalku wuxuu haystaa qalab casri ah oo lagama maarmaan u ah hawlgalka qalliinka.
Dr. Xuseen ayaa intaas ku daray, “Tan waa arrin aad u muhiim ah maadaama horey qalliinka noocan ah loogu aadi jiray dibadda, taasoo caqabad ku ahayd dad badan oo aan awoodin inay dibadda tagaan si ay u helaan adeeggan. Hadda, waxaan ku guuleysannay in aan adeeggan muhiimka ah gudaha u keennay.”
Munaasabadda sagootinta ayaa aheyd fursad lagu ammaanay dhaqaatiirta iyo shaqaalaha isbitaalka, waxayna sidoo kale muujisay sida Sheikh Xasan Yabare uu uga go’an yahay horumarinta adeegyada caafimaad ee deegaanka, gaar ahaan qalliinka wadnaha oo muhiim u ah bulshada.