By Abukar Osman
Muqdisho(Dawan) – Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta ku dhawaaqay in ololaha is-diiwaangelinta codbixiyeyaasha gobolka Banaadir lagu kordhiyey muddo bil ah, iyadoo waqtiga kama dambaysta ah ee is-diiwaangelinta la dhigayo 15 August 2025.
Ololahan, oo si rasmi ah u bilaabmay 15 April 2025, ayaa qeeb ka ah habka doorasho ee Soomaaliya ee doorsahooyimka toos ah ee qof iyo codka ah.
“Mudadaan dheeraadka ah ee lagu daray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha gobolka Banaadir ayaa timid iyadoo maalinba maalinta ka dambeysa ay sii kordhayaan tirada dadweynaha u soo baxaya inay isdiiwaangeliyaan.”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Guddiga.
Guddigu wuxuu intaas ku daray in kordhinta muddada loogu talagalay in lagu hubiyo in dadweynaha badan ay helaan fursad ay uga qaybqaataan habka doorashada.
Gobolka Benaadir aya atan iyo markii diiwaanngelnta la bilaabay ay 3 bil u buuxasanthay iyadoo Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daud Aweis, uu 13 July ku dhawaaqay in tirada codbixiyeyaasha is-diiwaangaliyay Muqdisho ay ka badan yihiin 500,000, hase yeeshee Guddiga weli ma xaqiijin tiradaas si rasmi ah.
Gobolka Banaadir, oo ah xarunta siyaasadeed ee dalka, ayaa ah meesha ugu horreysa ee laga bilaabay ololaha is-diiwaangelinta, halkaas oo hadda ay ku wehliyihiin ololayaal ka socda Koonfur Galbeed, Galmudug, iyo Hirshabelle oo u dambeysay oo isbuucaan la bilaabay.