Friday, May 23, 2025

Waqtiga Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo la Kordhiyay.

Soohoyde

Muqdisho – Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Sohdimaha Qaranka ayaa ku dhawaaqay kordhin rasmi ah oo lagu sameeyay mudada is-diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashada qof iyo cod ah ee ka socota gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha guddiga, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa war-saxaafadeed uu ku qabtay magaalada Muqdisho 15-ka May 2025 ku sheegay in guddigu uu muddo hal bil ah ku kordhiyay waqtiga is-diiwaangelinta codbixiyeyaasha, taasoo markii hore bilaabatay 15-kii April ee sanadkan.

Guddoomiyuhu wuxuu xusay in sababta ugu weyn ee keentay kordhinta waqtiga ay tahay in degmooyinka gobolka Banaadir aysan si isku mid ah uga bilaaban diiwaangelinta, taas oo keentay baahi loo qabo in la siiyo fursad dheeraad ah dhammaan shacabka doonaya inay iska diiwaangeliyaan.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ayaa shaaciyay in Jubaland, gaar ahaan gobolka Gedo, lagu wado in halkaas laga bilaabo diiwaangelinta codbixiyeyaasha,

Go’aankaan ayaa kusoo beegmaya  iyada oo  Guddiga  horay usheegay in si rasmi ah ay isku diiwaangeliyeen 30 urur siyaasadeed, taasoo dhammaystirtay wajigii is-diiwaangelinta ururrada siyaasadeed ee u tartamaya doorashooyinka la filayo mustaqbalka dhow.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here