Muqdisho (Dawan) – Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Sabtida maanta ah shahaadada ururnimo gudoonsiiyay 14 urur siyaasadeed, kuwaas oo ey ku jiro ururro ay hogaaminayaan siyaasiyiin hore xilal sare kaga soo qabtay dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.
Ururrada shahaadada helay waxaa kamid ah ururka Horumar iyo Midnimo Qaran, oo ay ku mideysan yihiin Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ahna xildhibaan hadda ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.
Sidoo kale, ururka Damal Qaran oo uu hoggaamiyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, ayaa kamid noqday ururrada maanta la siiyay shahaadada rasmiga ah.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in ururrada maanta la siiyay shahaadooyinka ay dhammeysteen dhammaan shuruudihii looga baahnaa.
“Waxaa sharaf weyn noo ah in maanta aan shahaado siinno 14 urur siyaasadeed oo soo buuxiyay dhammaan shuruudihii looga baahnaa. Waxaa qiimo weyn noogu fadhiya in rag badan oo siyaasiyiin ah ururradooda ku guuleysteen shahaadadan,” ayuu yiri Guddoomiyaha.
14-ka urur siyaasadeed ee maanta la diiwaangeliyay ayaa ku biiraya 43 urur oo horey uga helay shahaadada ururnimo Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, taas oo kordhineysa tirada ururada siyaasadeed ee si rasmi ah loo aqoonsaday.
Diiwaangelinta ururradan ayaa la filayay kadib heshiis 25-kii August ay xubno ka tirsan siyaasiyiinta hogaaminaya ururradaan la galeen Villa Soomaaliya. Laba maalin kahor heshiiskaas, Guddiga Doorashooyinka ayaa dib u furay diiwaangelinta ururrada siyaasadeed, taas oo lasoo gabagabeeyay maanta oo ah 6-da September.