Jabuuti, 2025 – Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Abdoulkader Kamil Mohamed, ayaa shalay magaalada Djibouti ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Amniga Waddooyinka, Jean Todt, oo ay wehliyaan Isuduwaha Joogtada ah ee Qaramada Midoobay ee Jabuuti, Jose Barahona.
Booqashadan ayaa lagu xoojiyay iskaashiga labada dhinac ee ku saabsan amniga waddooyinka iyo nidaaminta gaadiidka dadweynaha, iyadoo la raacayo heerarka horumarineed ee Qaramada Midoobay.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta Amarka Madaxweynaha No. 2024-313/PR/MI oo dhisay Guddiga Dhexe ee Isku-dubaridka Amniga Waddooyinka, kaas oo ay guddoominayso xukuumadda, waxaana guddigu ka shaqeyn doono isku-xirka wasaaradaha ka qayb qaata arrimaha waddooyinka, sida kaabayaasha, gaadiidka, gudaha iyo maamulka magaalooyinka, iyagoo la kaashanaya Hay’adda Waddooyinka Jabuuti iyo ciidamada ammaanka.
Jean Todt ayaa sheegay:
“Waa muhiim in si wadajir ah loo hirgeliyo tallaabooyin lagu badbaadinayo nolosha dadka waddooyinka isticmaala, waxaana diyaar u nahay inaan taageerno Jabuuti si loo gaaro amniga waddooyinka oo waara.”
Todt ayaa sidoo kale ku baaqay in la qaato tallaabooyin degdeg ah oo ay kamid yihiin xirashada koofiyadaha mootada, xakameynta xawaaraha, kormeerka farsamo ee gaadiidka, iyo iftiiminta waddooyinka, si loo yareeyo shilalka iyo khasaaraha ka dhasha.
Kulanka ayaa ku soo dhamaaday is-afgarad iyo ballanqaad wadajir ah oo ku saabsan sidii loo horumarin lahaa dhaqanka amniga waddooyinka si loo badbaadiyo nolosha dadka iyo horumarka qaranka.
Sida laga soo xigtay xogta Qaramada Midoobay, shilalka waddooyinka ayaa sanad walba sababa in ka badan 1.2 milyan oo qof ay ku dhinteen dunida, iyadoo 50 milyan oo qof ay ku dhaawacmaan ama naafowdaan.