Wednesday, September 25, 2024

Dood cilmiyeed… Saameynta isbedelka cimilada ee Soomaaliya

Muqdisho (Dawan)- Baaq degdeg ah ayaa ka soo baxay Dood Cilmiyeed lagu falanqeeyay saameynta Isbedelka Cimilada ee Soomaaliya.

Jaamacadda Simad ayaa soo qabanqaabisay dood cilmiyeed ku saabsan saameynta uu isbedelka cimiladu ku leeyahay Soomaaliya oo ay kusoo noqnoqdeen dhibaatoyiin halis ku ah mustaqbalka dalka.

Khubaradu waxay soo bandhigeen baahida loo qabo in la qaado tallaabo degdeg ah, si wax looga qabto saamaynta isbedelka cimilada

Isuduwaha gargaarka bini’aadantinimo ee Qaramada Midoobay u qaabilsa Soomaaliya, George Conway, ayaa tilmaan ka bixiyay saameynta taban ee isbedelka cimilada.

“ 2023 waxa uu ku billowday abaartii ugu darneed ee soo martay dalka muddo nus qarni ah, taas oo saameysay malaayiin qof, waxa uuna ku dhamaaday fatahaadii ugu xumaa muddo 100 sano ah. Gargaarka bini’aadantinimo waa lama huraan si loo badbaadiyo dadka, haddii la waayana waxaa sii kordhi doona qatarta”

Conway waxa uu hoosta ka xariiqay in dhibaatada isbedelka cimiladu ay xiriir la leedahay xuquuqda aadanaha ah.

“ Dhibaatada cimilada waxaa ka dhasha qalalaasaha xuquuqda aadanaha: Qofka waxa uu xaq u leeyahay inuu helo cunto, caafimaad iyo biya nadiif ah. Waxaan u baahanahay in aan xuquuqda aadanaha ka dhigno udub dhexaadka ajandayaashayada cimilada.”

Dadka u dhaqdhaqaaqa Isbedeka Cimilada oo ay ka mid tahay Sucdi Nuur, waxay ku talinayan in si gaar ah loo eego bulshooyinka nugul sida beeralayda.

“Abaarta iyo daadadku waxay sababaan inuu yaraado wax soo saarka beeraha, taas oo keentay inay dad badani awoodi waayaan iibsiga waxyaabaha lagama maarmaanka ah ”.

Sida uu sheegay wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya, Maxamed Barre dhalinyaradu waxay kaalin muuqata ka qaadanayan hindisayaasha isbedelka cimilada

“ Wasaarada ahaan, waxaan si firfircoon u dhiirrigelinnay dadaallada wax looga qabanayo isbeddelka cimilada. Dhalinyaradu waxay shirka wadahadallka qaran kusoo bandhigeen xalal iyo aragtiyo looga wacyigelinayo bulshada saameynta isbedelka cimilada.”

Inti doodu socotay, khubaradu waxay soo jeediyeen talooyin dhowr ah oo ku saabsan mustaqbalka Soomaaliya.

Aagaasimaha Machadka Cimilada ee Jaamacadda Simad, Maxamed Cukaash: “ Waxaan soo jeedinay talooyin, ay ku jiraan xeeladaha la qabsiga. Bulshooyinka deegaanka in laga qaybgeliyo hoggaanka. Waxaan sidoo kale kula talineynaa Soomaaliya inay abuurto hannaan lagu soo jiidanayo dhaqaalaha, si loo maalgeliyo barnaamijyadeena la qabsiga .”

Doodda waxaa lagu soo gunaanaday, baaqa ah, in la sameeyo dadaal wadajir ah oo wax looga qabnayo qatarta degdegga ah iyo sidii Soomaaliya ugu adkaysan lahayd isbeddelka cimilada

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here