Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Qaranka (NIEBC) ayaa 1-dii Maarso shaaciyay qorshahooda ku aaddan doorashadan, taas oo lagu qaban doono magaalada Muqdisho, xarunta Soomaaliya.
“Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Qaranka, isagoo gudanaya waajibaadka qaran ee loo igmaday, waxa uu shaacinayaa jadwalka doorashada ee buuxinta kursiga bannaan ee tirsigiisu yahay GSH#248,” ayaa lagu yiri qoraalka rasmiga ah ee guddiga.
Guddiga Doorashooyinka ayaa xaqiijiyay in doorashadan ay daba socoto codsi rasmi ah oo ka yimid Guddoomiyaha Golaha Shacabka, si loo buuxiyo booska bannaan. Doorashadan ayaa loo qabanayaa si waafaqsan Sharciga Doorashooyinka ee 2017, waxaana ergada dooran doonta xildhibaanka ay soo xuli doonaan odayaasha dhaqanka ee beesha kursigan leh.
Hannaanka Doorashada
Doorashadan ayaa loo qorsheeyay in la qabto inta u dhaxaysa 27-ka Febraayo 2025 ilaa 8-da Maarso 2025, waxaana lagu fulin doonaa talaabooyinka soo socda:
- Shaacinta jadwalka doorashada
- Soo gudbinta liiska odayaasha dhaqanka ee xuli doona ergada
- Diiwaangelinta, hubinta, iyo tababarka ergada
- Diiwaangelinta musharraxiinta iyo xaqiijinta shuruudaha doorashada
- Hubinta iyo tababarka ergada
- Maalinta codbixinta doorashada kursiga H#248
Sida ku cad Dastuurka, marka kursi xildhibaan ee Golaha Shacabka bannaano, Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu si rasmi ah ugu gudbiyaa Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka si loo buuxiyo booska.
Hannaanka buuxinta kursiga ayaa ah isla habraacii lagu soo doortay xildhibaanka booskiisa la buuxinayo, taas oo macnaheedu yahay in nidaamka ergada doorashada dadban la raaci doono.