Thursday, July 3, 2025

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo Bilaabay Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Baydhabo\ Dhuusamareeb (Dawan ) – Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee doorashooyinka qof iyo codka ah ee Golaha Deegaanka.

Madaxweynayaasha labada Dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa noqday kuwa ugu horeeya ee iska diiwaan geliyay Baydhabo iyo Dhuusamareeb, oo ah xarumaha dowlad goboleedyadaas.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa daah-furay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee ka dhacay magaalada Baydhabo, isagoo ugu baaqay shacabka inay si buuxda uga qaybqaataan hanaanka doorashooyinka, gaar ahaan diiwaangelinta codbixiyeyaasha. “Waa inaan is-diiwaangelino si aan u xaqiijinno sheegashadeena ah inaan  nahay dadka ugu badan Soomaalida, oo kaliya sheego maahan, balse aan muujinno codkeena oo ay ka muuqato doorashada mustaqbalka ee saddexda heer,” ayuu yiri Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa sidoo kale ka daah-furay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee bulshada Dhuusamareeb iyo guud ahaan shacabka Galmudug, isagoo kula dardaarmay inay ka qaybqaataan diiwaangelinta si ay u doortaan maamul ay kala xisaabtami karaan horumarinta deegaannadooda. “Maanta waxaa bulshada Galmudug u bilaabatay inay xaqooda helaan oo ay codeeyaan cidda ay doonayaan,” ayuu yiri Madaxweyne Kaariye.

Tallaabooyinkan lagaga bilaabay labada dowlad goboleed ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa loo arkaa mid muhiim ah oo ku saabsan horumarinta nidaamka doorashooyinka Soomaaliya, gaar ahaan doorashada qof iyo codka ah. Ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ay wadaana Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa horey ugu socday Muqdisho.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here