Friday, July 26, 2024

Golaha Ammaanka oo ka shiraya khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ee Badda

Muqdisho (Dawan)- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Isniin ah yeelanaya kulan deg deg ah oo looga hadlayo khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ee xiisadda ka dhalatay heshiiskii ay Itoobiya la saxiixatay Somaliland kowdii bishan January.

Heshiiska Is-afgaradka ah ayaa u fududeynayaa  Itoobiya in ay hesho saldhig ciidan iyo bad ay u adeegsato ganacsiga iyada oo Somaliland u aqoonsan doonta dal madax bannaan.

“Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta lagu wadaa inuu yeesho kulan degdeg ah oo looga hadlayo arrimaha Geeska Afrika. Kulanka ayaa daba socotaa heshiiskii sharci darrada ahaa ee Itoobiya ay la gashay gobolka Somaliland, kaas oo ku xad-gudbay madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, khatarna ku ah nabadda iyo amniga gobolka,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweis Jaamac.

War qoraal ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Faransiiska oo ah Guddoonka Golaha in uu soo abaabulay kulan looga hadlayo xiisadda Bariga Afrika iyada oo laga jawaaabayo codsigii ay Soomaaliya u dirtay Golaha 23-kii January.

Warqadda ay Soomaaliya u dirtay Golaha Ammaanka , waxa ay ku sheegay in heshiiska is-afgaradku uu ka dhigan yahay xad-gudub sharci-darro ah oo lagu sameeyay madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, maadaama ay Somaliland qayb ka tahay dhulka Soomaaliya, sida ay Soomaaliya ku dooday.

Itoobiya oo ka jawaabeysa arrintan ayaa 26-kii January u dirtay warqad ay ku muujinayso sida ay diyaarka ugu tahay ka qaybgalka wadahadal uu garwadeyn ka yahay Midowga Afrika, balse waxay ka hor timid in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu arrintaan soo fara geliyo maadaama uu ku howlanyahay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid heshiiska waxeyna ku tilmaamtay gar darro cad oo halis gelineysa deris wanaaga, nabad kuwada noolaansha iyo   xasiloonida Gobolka.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay Itoobiya uga digtay isku day kasta oo xad gudub ku ah gobanimada, madax bannaaninda iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo caddeysay in ay qaadeyso tillaabo kasta oo ay kaga jawaabeyso tillaabada ay qaaday Itoobiya.

Itoobiya ayaa lumisay dekedaheeda Badda Cas horaantii sagaashamaadkii ka dib dagaalkii xornimada Eritrea, kaas oo socday 1961 ilaa 1991-kii.

1991-kii, Eritrea ayaa xornimada ka qaadatay Itoobiya, taasoo keentay in la dhiso laba dal oo kala madax bannaan, waxaana ka dhashay in Itoobiya ay noqoto dalka ugu weyn dunida ee Bad la’aan ah taas oo saameyn ku yeelatay awooddeeda ganacsi.

Somaliland ayaa sannadkii 1991-kii ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, ka dib markii uu dalku galay fowdo sababtay in ay dunto Dowladdii Dhexe ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Bare.

In kasta oo ay leedahay hay’ado maamul iyo lacag u gaar ah haddana madax bannaanida Somaliland aqoonsi kama helin beesha caalamka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here