Dowladda Jabuuti ayaa si rasmi ah u bilowday qeybinta gargaar bani’aadanimo oo lagu taageerayo qoysaska ay abaaruhu ku dhufteen ee gobolka Carta.
Gudiga Gurmadka Qaranka ee Jabuuti ayaa deeq kala duwan gaarsiiyay deegaanka Gabla Qalan ee gobolka carta, halkaas oo ay si weyn u saameeyeen xaalad adag oo abaar ah. Gargaarkan ayaa isugu jira raashin, calafka xoolaha iyo daawooyin caafimaad, waxaana uu si toos ah u gaarayaa gargaarkaan 5,420 qoys oo deegaanka ku nool.
Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta xarunta bulshada ee Carta, dadaalladan waa qayb ka mid ah qorshe qaran oo loogu talagalay in gargaar la gaarsiiyo 26,000 oo qoys oo ku nool gobollo kala duwan oo dalka ka mid ah.
Gargaarkan waxaa maalgelinaya Wasaaradda Arrimaha Bulshada ee Jabuuti, waxaana uu qayb ka yahay qorshe ballaaran oo lagu xakameynayo saameynta cimilada is bedeshay iyo abaaraha soo noqnoqda.
Dadweynaha deegaanka Gabla Qalan ayaa si diirran u soo dhoweeyay gargaarka, iyagoo sidoo kale codsaday in la dhiso ceelal biyo-dhuleed si loo yareeyo baahida joogtada ah ee biyo la’aanta. Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa yiri:
“Haraad ayaa dam naga siiyay, waxay noo keeneen waa mahad Alle – waa bariis, waa saliid, waa sokor intaba waa noo keeneen. Sidaas ayaan dowladeena ka codsaneynaa.”
Dowladda Jabuuti ayaa hore u caddeysay in abaarahan ay yihiin natiijo toos ah oo ka dhalatay isbeddelka cimilada adduunka, taas oo dhibaato ba’an ku keentay dadka ku tiirsan xoolo dhaqashada iyo beeraha roobka.