Thursday, May 22, 2025

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dishay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Garas Magan — Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa 20-kii bishan May 2025 howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Garas Magan, oo ku yaalla inta u dhaxeysa gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyagoo sheegay in ay beegsadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

War qoraal ah oo ka soo baxay warbaahinta ciidamada ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab. Intii uu socday howlgalkan, ciidamada ayaa sheegtay in ay dileen tiro ka mid ah xubnaha kooxda, isla markaana ay ka saareen goobo muhiim u ahaa, kuwaas oo kamid ahaa godad ay kooxdu ka qodatay dhulka.

“Weerarkan ayaa si gaar ah uga dhacay halka loo yaqaan Garas magan oo kamid ah degaanada u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ciidamadu si toos ah ugu beegsadeen maleeshiyaadka Khawaarijta oo isku uruursanayay,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay ciidamada.

Sidoo kale, warbaahinta ciidamada ayaa lagu sheegay in howlgalkan uu qeyb ka yahay dadaallo lagu xoojinayo amniga gobolka iyo la dagaallanka kooxda Al-Shabaab, si loo hubiyo in nabadgelyada, loona xaqijiyo xasiloonida.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalkan uu saamayn muuqata ku yeeshay xaaladda amni ee gobolka, isla markaana ay ka hortageen isku dayo lagu doonayay in lagu khalkhal geliyo nabadda iyo xasiloonida bulshada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here