Saturday, July 27, 2024

Dowlado Yurub ah oo qorsheynaya in ay aqoonsadaan dowladnimada Falastiin

Qudus (Dawan)- Shan (5) dowladood oo ka tirsan Midowga Yurub oo ay ku jiraan Ireland iyo Spain ayaa qorsheynaya in ay aqoonsadaan dowladnimada Falastiin inta lagu guda jiro bishaan May.

Sida laga soo xigtay Shabakadda Warbaahinta ee Irishka (RTE), waxaa sii xoogeystay wada hadallada u socda dowladaha Ireland, Spain, Slovenia, Norway iyo Malta kaas oo ku saabsan aqoonsiga dowladda Falastiin.

Sida uu xaqiijiyay afhayeen u hadlay Michael Martin, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Difaaca Ireland, waxaa la filaya in Ireland iyo Spain ay ku dhawaaqi doonaan aqoonsigooda dowladda Falastiin 21-ka May.

Sidoo kale dowladaha Slovenia, Malta iyo Norway ay taageersan hindisahan ay hoggaamineyso dowladda Spain si loo aqoonsado Falastiin.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay sii kordhayaan baaqyada lagu dalbanayo in la aqoonsado dowladda Falastiin si xal waara looga gaaro dagaalka daba dheeraaday ee Israel iyo Falastiin .

Dowladaha Yurub ee hore u aqoonsaday Falastiin.


Falastiin hadda waxaa dowlad ahaan u aqoonsan marka la eego qaaradda Yurub 8 xubnood oo ka tirsan Midowga Yurub, kuwaas oo kala ah Bulgaria, Poland, Czechia, Romania, Slovakia, Hungary, Qubrus, iyo Sweden

Madaxa Sare ee Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadaha Amniga, Josep Borrell, ayaa shaaca ka qaaday inuu filayo in qaar ka mid ah wadamada Midowga Yurub ay si rasmi ah u aqoonsan doonaan Falastiin.

Qaar ka mid ah wadamada Carabta iyo Midowga Yurub ayaa ku heshiiyey kulan ka dhacay Spain bishii November ee lasoo dhaafay in xalka kaliya ee lagu xallin karo khilaafka Falastiin iyo Israel uu yahay in Falastiin loo aqoonsado dowlad leh xubinimo buuxda.

Tan iyo 1988-kii, 139 ka mid ah 193-ka waddan ee Qaramada Midoobay ayaa aqoonsaday dowladnimada Falastiin.

Diidmada Mareykanka

Dowladda Mareykanka ayaa codka qayaxan uga hortimid qaraar dhawaan la hor geeyay Golaha Ammaanka si Falastiin u hesho xubinimadeed buuxda ee Qaramada Midoobay, waxeyna sheegtay in marka hore ay lagama maarmaan tahay in Israel ogolaato dowladda Falastiin.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here