Saturday, March 15, 2025

Duqeymo Lala Beegsaday Daacish oo muran dhaliyay.

Soohoyde

Duqeyn cirka ah oo ka dhacday Buuraha Calmiskaat ayay masuuliyadeeda sheegteen Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Puntland, iyadoo mid walba sheegatay in ay hogaaminaysay howlgalkaas.

DFS ayaa sheegtay in ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa cirka Mareykanka ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Daacish. Dowladdu ma shaacin khasaaraha ka dhashay duqeynta.

Howlgal Militeri oo ay iska kaashadeen Dowladda  Fedeaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Cirka ee Mareykanka (AS AFRICOM) ayaa laga fuliyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen  haraadiga horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka   khawaarijta  Daacish ee Buuraleyda Calmiskaat ,Gobolka Bari” ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyay Telifishinka   afka dowlada Soomaaliya ku hadla.

Dhanka kale, Puntland ayaa iyaduna sheegtay in howlgalka ay fuliyeen ciidamadeeda iyo kuwa cirka Mareykanka, balse sidoo kale ma shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka.

Laba duqeyn  oo saaxiibada Dowlada Puntland ee USA ay  fuliyeen ayaa ka dhacday Buuraleyda Calmiskaat kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday Argagaxisada Puntland “ ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Howlgalka  Ciribtirka Argagaxisada  Puntland.

Dhinaca kale, Puntland ayaa  shalay galab  sheegtay in ay duqeyn kale oo ka dhacday deegaanka Darar Madoobe ay iska kaashadeen ciidamada Puntland iyo Imaaraadka Carabta, halkaas oo ay ku dileen 12 xubnood oo ka tirsan Daacish, sidoo kalena ay burburiyeen gaari xamuul ah.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dagaal muddooyinkii dambe ka socday Buuraha Calmiskaat iyo guud ahaan deegaanada Puntland , kaasoo lagu bartilmaameedsanayo kooxda Daacish ee ku sugan halkaas.

Saraakiisha Puntland ayaa horay usheegay in ay sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah Daacish, iyagoo kaashanaya saaxiibadooda caalamiga ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here