Boosaaso – Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa shaaca ka qaaday in duqeyn cirka ah ay si wadajir ah ula fuliyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo ka dhacday deegaan 72km dhanka koonfureed kaga began magaalada Boosaaso, gobolka Bari.
Duqeyntan ayaa lagu bartilmaameedsaday xubno katirsan kooxda Daacish ee ka dagaalanta deegaanada buuraleyda ah ee Puntland. Taliska AFRICOM ayaa sheegay in howlgalku uu qeyb ka yahay dadaallo wadajir ah oo lagu wiiqayo awoodda kooxaha xagjirka ah ee khatar ku ah ammaanka gobolka.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale xaqiijisay in laba duqeyn oo cirka ah laga fuliyay isla goobtaas, iyadoo la kaashanayo ciidamada Maraykanka. Dowladda ayaa tilmaantay in howlgalkani uu qeyb ka yahay qorsheyaal istiraatiiji ah oo muddooyinkii u dambeeyay laga fulinayay gobolka Bari, si loo beegsado saldhigyada kooxda Daacish.
Weli lama shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeymaha, waxaana la filayaa in faahfaahin dheeri ah laga bixiyo saacadaha ama maalmaha soo socda.
Howlgallada wadajirka ah ee u dhexeeya ciidamada Maraykanka iyo kuwa Soomaaliya ayaa sii xoogeystay sannadihii la soo dhaafay, gaar ahaan gobollada ay firfircoon yihiin kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.