Saturday, July 27, 2024

Heshiiska is-dhaafsiga maxaabiista ee Soomaaliya iyo Turkiga oo la ansixyay

Muqdisho (Dawan)- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey heshiiska iskaashiga dhanka Garsoorka ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

“Heshiiska Garsoorka ee ay gaareen Soomaaliya iyo Turkiga oo ka kooban afar qeybood ayaa diiradda saaraya dhinacyada kala ah; iskaashi, Gargaarsi sharciyeed, Dhiibid eedeysanayaal ama dembiileyaal iyo Wareejin Shakhsiyaad xukuman oo xabsi ku jira” ayaa lagu yiri, war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Xukuumadda.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale ansixiyey Heshiiska Iskaashiga ee u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Pakistan.

Ansixinta heshiiskan ayaa kusoo adeeysay iyada oo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda ee dalka Turkiga Niyazi Acar uu booqasho ku jooga Muqdisho.

Wasaaradaha Caddaaladda ee Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ka wada hadlay muhiimadda xiriirka laba geesoodka ah iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhanka garsoorka iyo isweydaarsiga khibradaha.

Arrimaha kale ee ay labada dhinac isla meel dhigeen waxaa ka mid ah dhismaha kaabayaasha Caddaaladda, Horumarinta danbibaarista Soomaaliya, si ay ula jaanqaaddo aqoonta casriga ah, dalka oo dhanna ugu filnaato, Yagleelka Akaadamiyadda Caddaaladda Soomaaliya, Dib-u-eegista xeerarka iyo qawaaniinta dalka si loo horumariyo, loo waafajiyo dastuurka iyo nidaamka federaalka ah, loona casriyeeyo iyo Kobcinta aqoonta farsamo iyo tignoolajiyadeed ee bahda caddaaladda Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here