Sunday, May 4, 2025
Array

Erdoğan oo sheegay in sahminta shidalka Soomaaliya la dhameen doono bishaan.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa ku dhawaaqay in markabka sahanka shidaalka ee Oruç Reis uu maraya heerkii ugu dambeeyay ee howlaha sahanka seddex-cabbir ee uu ka wado badda Soomaaliya, taas oo qeyb ka ah ballaarinta iskaashiga tamarta ee labada dal.

Isagoo ka hadlayay Shirka Kheyraadka Dabiiciga ah ee Istanbul, Erdoğan wuxuu sheegay in Oruç Reis uu sahamin ku sameynayo saddex aag oo kala duwan oo ku yaalla badda Soomaaliya, mid kasta oo baaxaddiisu tahay 5,000 kiiloomitir oo laba jibbaaran. Ilaa hadda, waxaa la baadhay 3,700 kiiloomitir oo laba jibbaaran oo ka mid ah 4,111 kiiloomitirka mashruuca, taasoo u dhiganta 90%.

“Oruç Reis, inshallah, wuxuu howlaha dhammayn doonaa bishan gudaheeda,” ayuu yiri Erdoğan. “Haddii natiijooyin wanaagsan laga helo, waxaan u gudbi doonnaa wejiga xiga, oo ah wejiga qodista.”

Madaxweynaha Turkiga wuxuu sheegay in, iyada oo la raacayo Heshiisyada Saamiga Soo-saarka ee ay la galeen Soomaaliya, sahanku uu sidoo kale ka dhici doono saddex goobood oo dhulka ku yaalla gudaha Soomaaliya, kuwaas oo guud ahaan baaxaddoodu tahay 16,000 kiiloomitir oo laba jibbaaran. Ka dib marka xogta seismic-ka la falanqeeyo, waxaa lagu talo jiraa in la bilaabo qodista si loo ogaado shidaal.

“Haddii lagu guuleysto, iskaashiga istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya wuxuu gaari doonaa heer cusub,” ayuu yiri Erdoğan, isagoo xusay in guushaasi ay kordhin doonto ammaanka sahayda tamarta ee Turkiga, yareyn doonto ku-tiirsanaanta dibadda, isla markaana abuuri doonto fursado shaqo.

Erdoğan wuxuu sidoo kale tilmaamay faa’iidooyinka labada dhinac, isagoo sheegay in Soomaaliya ay ka faa’iideysan doonto teknoolojiyad casri ah, horumar dhanka kaabeyaasha dhaqaalaha ah, shaqo abuur, iyo maal-gashi dibadeed, taasoo dardar gelin doonta koboca dhaqaalaha dalka.

“Annagu waxaan nahay ummad leh taariikh kumannaan sano ah, oo aan laheyn ceeb gumeysi,” ayuu yiri Erdoğan. “Marna maan dooneyn dhul, madax-bannaani ama kheyraad dabiici ah oo cid kale leedahay. Wax kasta oo aan samaynay, waxaan u sameynay si cadaalad ah oo caddaalad ku saleysan — annaga oo danta labada dhinac eegaya.” Hadalka Madaxweyne Erdoğan ayaa imaanaya iyadoo markabka Oruç Reis, oo bishii Oktoobar kusoo xirtay dekedda Muqdisho, uu haatan ka wado Soomaaliya sahanno saddex-cabbir (3D seismic studies) si loo helo xog muhiim ah oo la xiriirta shidaalka dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here