Madaxweyne hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu dalka u jiheeyey waddo qalalaase hor leh gelineysa kadib martiqaadka uu u sameeyey Gogosha Wadatashiga ee la qorsheeyay in lagu qabto 15-ka Juun 2025.
Madaxweyne Farmaajo oo soo saaray war-saxaafadeed maanta ayaa sheegay in cidda lagu martiqaaday iyo ajandaha guud ee la tilmaamay ay muujinayaan in madaxweynuhu uu wali ka leexanayo inuu si dhab ah u wajaho xaaladda siyaasadeed ee dalka ka jirta iyo culeyska ay leeyihiin arrimaha masiiriga ah ee khilaafaadku ka taagan yihiin.
Farmaajo ayaa sheegay in madaxweynuhu uu ku dhaqaaqay wax ka beddelka Dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka, kuwaas oo uu hadda qorshaynayo wax-ka-beddel sharci darro ah oo uu ku sameeyo 11-kii cutub ee ka baxsan heshiiska dastuurka ee lagu ahaa.
“Madaxweynuhu waxa uu u jihaystay dhabbe dalka gelinaysa qalalaase hor leh, waxaana taas marag u ah hannaanka martiqaadka Madaxweynaha oo ah mid aan ka jawaabayn arrimaha udub-dhexaadka u ah khilaafka taagan,” ayuu ku yiri madaxweyne Farmaajo war-saxaafadeedkiisa. Hadalka madaxweyne hore Farmaajo ayaa dowladda ay shaacisay in martiqaadka Gogosha Wadatashiga loo diray Madaxweynayaashii hore, Guddoonkii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaareyaashii hore, Madaxweynayaashii hore ee Dowlad-goboleedyada, Ururrada siyaasadeed, Bulshada rayidka, iyo Siyaasiyiin kale oo muhiim u ah gogosha si ay uga qeeb noqdaan gogosha uu Madaxweynaha ku baaqay ee 15-ka Juun.