By Sayyid Omar
MUQDISHO, SOOMAALIYA – Madaxweynaha hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa soo dhaweeyay ku dhawaaqista Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ee furitaanka Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada oo qorshuhu yahay in la qabto 15ka Juun 2025, isagoo adkeeyay in Puntland iyo Jubbaland ay ka qayb qaataan gogoshan muhiimka ah.
War-saxaafadeed rasmi ah oo maanta uu soo saaray Farmaajo ayaa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhammaan dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland oo weli qaba tabashooyin ku saabsan gogosha, inay si buuxda uga qayb qaataan wadatashiga si loo gaaro natiijooyin miro dhal ah.
“Si gogoshan ay miro dhal u noqoto, waxaan adkaynayaa baaqyada ku aaddan in si dhammaystiran ay uga soo qeyb galaan Madasha Dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland oo tabasho uga qaba Madasha Wadatashiga Qaranka,” ayuu yiri Farmaajo.
Dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa si wadajir ah uga maqnaa Madashii Wadatashiga Qaranka ee u dambeysay, taasoo salka ku haysay khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda dhexe ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan.
Sidoo kale, Farmaajo ayaa ku baaqay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka laabto tallaabooyin uu ku tilmaamay hal dhinac ah, oo sababay khilaafaadka siyaasadeed, kuwaas oo ay ku jiraan murannada ku saabsan dastuurka, shuruucda doorashooyinka oo aan dhammaystirnayn, guddiyo aan dhammaystirnayn, iyo tallaabooyin wax u dhimaya Madasha.
Wuxuu digniin ka bixiyay in tallaabooyinkaas ay carqaladeynayaan dhismaha dowladnimo iyo wada shaqeynta u dhexeysa dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.
Baaqaan Farmaajo ayaa daba socda mid horay uga soo baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin mucaaradka Soomaaliya oo asna soo jeediyey in dhammaan madaxda dowlad goboleedyada ay ka qeeb nooqdaan madashaan.