Saturday, July 27, 2024

Fiqi oo ku booriyay Qurbo-joogta in ay kobciyaan dhaqaalaha dalka

Muqdisho (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Axmed Macallin Fiqi, ayaa hadal uu ka jeediyay Isku-imaatinka Maalgeshiga Qurba-joogta Soomaaliyeed ee lagu qabtay maanta Caasimadda Muqdisho, ayaa sheegay in qurbo-joogtu yihiin halbowlaha nololeed ee qoysas badan iyo laf-dhabarka dib u noolaynta dhaqaalaha Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda, baarlamaanka iyo maalgeshato qurbo-joog ah.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Bankiga Caalamiga ee Soomaaliya (IBS) maalgelinta munaasabadda iyo wadashaqaynta dhow ee ay la leeyihiin Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbo-joogta ee Wasaaradda, isagoo farta ku fiiqay muhiimadda ay leedahay ka faaidaysiga khibradaha iyo maalgeshiga qurbo-joogta si Soomaaliya u gaarto horumar iyo barwaaqo.

Wasiirku waxa uu caddeeyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii ay fursado maalgashi oo baaxad leh u bixin lahayd, isla markaana ay u sugi lahayd ammaanka maalgashadayaasha qurba-joogta.

Wasiir Fiqi oo ka hadlayay saameynta dhaqaale ee ay leeyihiin lacagaha qurba-joogta ah ee xawaaladaha la soo mariyo ayaa xusay inay kaalin mug leh ka geysanayaan dhaqaaqa dhaqaalaha dalka, wuxuuna ku bogaadiyay sida wanaagsan ee ay Soomaaliya uga tarjumeen, magac iyo maamuusna uga soo jiideen bulshooyinka ay la noolyihiin, taasi oo ay ugu wacantahay suubanida akhlaaqdooda iyo hab-dhaqankooda.

Dhankiisa, Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Sare ee Bankiga IBS, Cabdirisaaq Cali Warsame, ayaa sheegay in bankiga IBS u diyaar yahay dhiirrigelinta qurbo-joogta si dalka ay dib ugu soo noqdaan, una maalgeshtaan.

Guddoomiye ku-xigeenku waxa uu ugu baaqay Qurba-joogta Soomaaliyeed ay kaalin wayn ka qaataan maalgashiga dalka sida ay uga qayb qaateen maaalgashiga magaalooyinka dalaka kale sida Imaaradka Carabta, Turkiga iyo Kenya, isaga oo ballan qaaday in Bangigu diyaar u yahay inuu rumeeyo hiigsiga iyo riyada maalgashigooda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here