Friday, June 13, 2025

Galmudug oo Daahfurtay Guryo Cusub oo Barakacayaal Loo Dhisay.

Soohoyde

Galmudug  waxa ay  maanta si rasmi ah u daahfurtay xaafad cusub oo loogu talagalay barakacayaasha, taasoo qeyb ka ah mashruuca Xalka Waara ee loogu talagalay dib-u-dejinta dadka danyarta ah.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), ayaa xarigga ka jaray xaafadda cusub ee Har-wanaag, taasoo laga dhisay degmada Cadaado. Xaafaddan ayaa hooy u noqon doonta in ka badan 117 qoys oo barakacayaal ah, kuwaasoo helay guryo cusub oo si rasmi ah loogu wareejiyay.

Mashruucan deegaameynta ah ayaa waxaa iska kaashaday Hay’adda Qaramada Midoobay ee Qaxootiga (UNHCR), Hay’adda NRC iyo  dowlad goboleedka Galmudug, waxaana lagu dhisay muddo ka yar hal sano.

Intii ay socotay xafladda furitaanka, qoysaskii la dejiyay ayaa la guddoonsiiyay dukumentiyada rasmi ah ee caddeynaya lahaanshahooda guryaha. Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in xaafaddan cusub ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xallinayo arrimaha barakaca, isagoo ballanqaaday in deegaannada kale ee Galmudug sidoo kale laga hirgelin doono mashruuca Xalka Waara.

Waxaan rajayneynaa in  dadka kale ee ku sugan deegaanada kale ee galmudug   , deeegano kale iyo halkaanba , iyagana in lagu sii wadi doono mashruucaan xalka waara , oo mira dhal noqday oo lagu guuleestay” madaxweynaha Galmudug

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sidoo kale sheegay in xaafadda Har-wanaag laga hirgelin doono adeegyada aasaasiga ah sida xarumo waxbarasho, masaajidyo, iyo nidaamka tamarta qoraxda (solar energy), si loo xaqiijiyo nolol waarta oo dadkaasi helaan.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay bulshada la dejiyay inay ilaashadaan jidadka cusub ee loo dhisay, ayna ka qeyb qaataan horumarinta noloshooda iyagoo ka shaqeynaya wax-soo-saarka deegaanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here