BuurHakaba (Dawan) – Degmada Buur hakaba ee gobolka Baay ayaa markii ugu horreysay yeelatay garoon diyaaradeed, taas oo bulshada deegaanka si weyn u yareyn doonta caqabadihii horay uga heestay safarka iyo adeegyada dowliga ah, gaar ahaan imtixaannaadka qaran ee ardayda.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa garoonkaan xarig jaray ,ka dib markii shacabka deegaanka ay garoonka ku dhiseen isku-tashi bulsho.
Geesta kale Duulimaadkii ugu horreeyay ayuu maanta sameeyay garoonka diyaaraha ee degmada buur hakada,Laftagareen ayaa sheegay in mashruucan uu muujinayo awoodda shacabka BuurHakaba, isagoo xusay in tani ay tusaale u tahay in mashaariic waaweyn oo kale lagu hirgelin karo isku-tashi iyo wadajir.
“Waxaan u mahadcelinayaa shacabka BuurHakaba, oo 100% u istaagay isku-tashi, midnimo iyo dowladnimo,” ayuu yiri Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in garoonkaan cusub uu meesha ka saarayo dhibaatooyinkii muddada dheer haystay bulshada degmada, gaar ahaan ardayda oo ku qasbanaa in ay Baydhabo ama Muqdisho u safraan si ay u galaan imtixaanka mideysan ee dowladda Soomaaliya, sababo la xiriira amni-darrada iyo xannibaadaha waddooyinka.
“Ilaa maanta, ardayda BuurHakaba waxay safar dheer ugu bixi jireen imtixaanka. Laakiin hadda, maalinta imtixaanka loo baahdo, maalinta ku xigta diyaaradaha ayaa keeni doona waraaqaha imtixaanka oo si toos ah loogu keenayo degmada,” ayuu ku daray Laftagareen.
Garoonka ayaa hadda lasoo gaba gabeeyay wejigiisii koowaad ee dhismaha, waxaana la qorsheynayaa in lagu daro saddex waji oo kale oo horumarineed si loo dhameystiro adeegyada garoonka.