Saturday, July 27, 2024

Boliiska Soomaaliya oo soo xiray nin kuu eedeysan inuu dil ka geystay Kenya

Muqdisho (Dawan)- Boliiska Soomaaliya ayaa sheegay in uu gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan inuu dil ka geystay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kadibna usoo baxsaday Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Taliska Qeybta Guud Boliiska Gobalka Banaadir, ayaa lagu yiri ” Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo gudanaya waajibka ka saaran ilaalinta sharuucda dalka ayaa soo xiray eedeysane baxsad ah laguna magacaabo Axmed Cabdiraxmaan Cabdullahi”

Qoraalka ayaa intaas raaciyay in eedeysanuhu ku dilay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya Marxuum Maxamed Xasan, iyada oo la hor geyn doono Hay’adaha ku shaqada leh.

Boliisku ma sheegen xilliga uu dilka geystay iyo goobta ay hadda kasoo qabteen.

Bishii October ayay ahayd markii Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ay sheegtay in ay dalka Kenya kasoo qabatay Sufyaan Sheekh Axmed, oo ay ku eedeysay in uu faafiyo fikirka xagjirnimada ah iyo taageeridda kooxda Al-shabaab.

Arrintaan ayaa muujineysa in Lamaha Amniga ee Soomaaliya iyo Kenya ay ka dhaxeyso wada shaqeyn xooggan oo ku saabsan isdhaafsiga macluumaadka iyo howlagallada lagu sugayo amniga iyo xasiloonida.

Kenya ayaa ka mid ah Dowladaha ka taageera Soomaaliyadhanka amniga, waxayna Ciidamadeedu kaalin weyn ka qaateen sannadihii lasoo dhaafay xasilinta iyo nabadeynta deegaanada Soomaaliya

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here