Muqdisho (Dawan)- Dowladda Soomaaliya waxay 13kii bishaan October dhagax dhigtay mashruuca dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha ee Stadium Muqdisho, oo ay shirkadao maxalli ah maalgelinayan.
Dib u dhiska waxaa lagu samaynayaa garoonka kubadda cagta, iyo qeybaha kale ee isagu jira koleyga, dabaasha iyo orodka.
Waxaan kula wadaageeyna 7 arrin oo ay tahay inaad ka ogaato Stadium Muqdisho

Tuulada Ciyaaraha
Inkasta oo loo wada yaqaano garoonka ciyaaraha ee Muqdisho, hadana bahada ciyaaruhu waxay ugu abtirisaa “Tuulada ciyaaraha” oo looga jeedo goob martigelin karta ciyaaro kala duwan. Inta la ogyahay dhulka Soomaaliyeed waa goobta kaliya ee leh garoomo isagu jira kubadda, cagta, basket-ka, volley-ga, dabaasha, tenis-ka iyo kuwa fustal-ka.
Kaalinta Shiinaha iyo dhismaha garoonka
Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho oo ah garoonka ugu weyn Soomaaliya, waxaa la dhisay sanadkii 1978-dii, waxaa uuna mar ahaan jiray mid ka mid ah garoomada ugu waaweyn uguna quruxda badan gobolka inkasta uusan nasiib u yeelan inuu magac wayn sameeyo, coladdii dalka ka dhacday awgeed.
Qaybtada kubadda cagta, waxaa lagu qiyaasaa inay usoo daawaasha tegi karaan ugu yaraan 65,000 oo qof, inkasta oo fadhiga garoonku uusan ahayn kuraas marka laga reebo qaybta VIP-da
Ciyaartii ugu horeysay iyo kuwii caalamiga ahaa
Ciyaartii ugu horeysay ee lagu soo bandhigo garoonka Stadium Muqdisho ka dib markii dhismihiisa la soo gaba gabeeyay waxa ay ahayd ciyaar saaxiibtinimo oo dhexmartay xulka qaranka Soomaaliya iyo koox ka socotay dalka Shiinaha oo magaceedu ahaa Leonen
Marka laga soo tago, ciyaaraha gudaha, Stadium Muqdisho waxaa lagu qabtay ciyaaro badan oo caalami ah, sida tartankii 8-aad ee ardayda Carabta, koobkii qaramada bariga iyo bartamaha Afrika, tartankii kooxaha bariga iyo bartamaha Africa.
Xarumo ciidan
Kadib markii ay burburtay dowladdii dhexe ee dalku galay qalalaaso, 1990-meeyadii, waxaa isbedelay howshii garoonka waxaana xarun ciidan ka dhigtay ciidamadii nabad ilaalinta u yimid Muqdisho ee UNOSOM.
Kadib markii uu fashilmay howlgalkaas, waxaa garoonka la wareegay qaar ka mid ah maleeshiyaad beeleedyo, inkasta oo gacan ku hayntiisa uu la wareegay xiriirka kubadda cagta oo ku sameeyay dayactir kooban, dibna loo billaabay in lagu ciyaaro.
Markale, waxaa xarun ciidan ka dhigtay 2007 ciidankii Itoobiya ee Muqdisho soo galay. Waa xilligii ugu xumaa ee taariikhda garoonka, sida ay dad badan aaminsayihiin.
Ururka Al-shabaab ayuu sidoo kale muddo u ahaa xarun ciidan, inkasta oo laga saaray 2011 balse waxaa ku wareegay ciidamadii AMISOM, kuwaas oo ka baxay 2018kii
Dib u furiddii garoonka
30kii June 2020, waxaa dib loo furay garoonka Muqdisho kadib markii dayactir kooban lagu sameeyay, waxa uuna xilligaas ka dib martigeliyay tartamo kala duwan oo kubadda cagta ah, sida horyaalka, koobka Generaal Daa’uud iyo Koobka Dowlad Goboleedyada
Fagaare siyaasadeed
Dowladdu waxay uga faa’iideysataa garoonka inay kusoo bandhigto qorshaheeda, dhowr jeerna waxaa lagu qabtay mudaahraadyo ay soo abuubashay oo lagu taageerayay siyaasadeeda.
Hogaamiya kooxeedyadii Muqdisho iyo maxaakiimtii islaamiga ayaa sidoo kale u adeegsan jiray inay farriintooda ku gaarsiiyaan dadwaynaha.
Bulshada rayikda qudheedku, waxay dhowr jeer ku dhigeen mudaaharaadyo looga soo horjeeday arrimihii markaas taagnaa gaar ahaan colaadihii ka socday dalka.
Waxa uu ahaa fagaare ay cid walba kusoo bandhigto burhaanteeda.
Caqabadaha weli ka jira garoonka
Garoonku inuu kusoo noqdo sidii hore iyo kasii fiicaan, waxaa ka hortaagan dhowr caqabad kuwaas oo dhibaato ku ah habsami u socodkii howlihii loogu talagalay.
Arrinta ugu wayn waa loolanka ka dhaxeeya xiriirka kubadda cagta iyo wasaaradda ciyaaraha oo dhinac walba doonayo inuu u madaxbannaanaado maamulka garoonka.
Arrinta labaad waa dhanka amniga. Marka laga soo tago xaaladda guud ee Muqdisho, gudaha garoonka waxaa u dheer rabshado kuwaas oo mararka qaar hakad geliya tartamada ka socda garoonka.
Kuraas la’aanta garoonka, waxay ka dhigeysa inuusan la jaan qaadi karin garoomada casriga ee dunida, waana caqabad kale oo u baahan in loo helo xal degdeg ah.
