Saturday, July 27, 2024

Geelle iyo Xoghayaha Difaaca Mareykanka oo ka wada hadly amniga gobolka

Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wada hadallo la yeeshay Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin, oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka Jabuuti maalintii Axadda (shalay).

Madaxweyne Geelle iyo Xoghayaha Difaaca Mareykanka ayaa ka wada hadlay iskaashiga dhanka difaaca ee labada dal iyo arrimaha amniga gobolka oo ay ka mid tahay taageerada Jabuuti ay siiso ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan kulan wax ku ool ah la yeeshay Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Mr. Lloyd Austin, si aan u xoojinno iskaashiga dhanka difaaca, amniga, iyo la dagaallanka argagixisada” ayuu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle kusoo qoray bartiisa X.

Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka, Lloyd Austin ayaa ammaanay iskaashiga amniga ee muddada dheer ka dhexeeya Mareykanka iyo Jabuuti.

“Maraykanka iyo Jabuuti waxa ka dhexeeya iskaashi amni oo soo jireen ah, waxaana rajeynayaa inaan sii wadno dadaalladeena aan ku horumarineyno iskaashiga difaaca ee labada dal” ayuu yiri Lloyd Austin.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka ayaa sidoo kale la kulmay wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed Burhaan oo ay ka wada hadleen horumarinta arrimaha amniga ee labada dal iyo iskaashiga xasilinta Geeska Africa.

“Aniga iyo Wasiirka waxaan ka wada hadalnay arrimo muhiimka ah iyo dadaallada xasilloonida gobolka” ayuu raaciyay hadalkiisa Austin.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka ayaa safarkiisa Afrika ku bilaabay booqasho uu ku tagay dalka Jabuuti, taasoo muujineysa muhiimada ay Mareykanka u leedahay nabadda iyo ammaanka gobolka Geeska Afrika.

Maraykanku waxa uu ku leeyahay Jabuuti saldhigga ciidan ee igu weyn Africa oo lagu magacaabo “Camp Lemonnier” iyada oo lagu qiyaasay tirada asgrata joogta saldhiggaan kumanaan.

Istiraatiijiyada ay leedahay Jabuuti ayaa soo jiidatay indhaha caalamka, waxeyna keentay in dhowr dal oo ka mid yihiin Faransiiska, Mareykanka, Ruushka, Talyaaniga, iyo Shiinaha ay saldhigyo ciidan ka sameystaan gudaha jabuuti si ay saameyn ugu yeeshaan Qaaradda Africa.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here