Friday, July 26, 2024

Geelle oo qorshaha nabadda Suudaan horgeynaya Ururka Iskaashiga Islaamka

Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Jimcihi billaabay safar shaqo uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka Afrika, isagoo ka qeyb galaya shir madaxeedka 15-aad ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ka dhacaya magaalada Banjul ee dalka Gambia, inta u dhexeysa May 4-5, 2024.

Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimo xasaasi ah oo ka taagan dunida Muslimka oo ay ka mid yihiin xasaradaha ka taagan Gaza iyo Suudaan.

Shir madaxeedka OIC ayaa sidoo kale looga hadli doona sidii wax looga qaban lahaa Islaam naceybka, isbeddelka cimilada, cunto yarida iyo colaadaha ka jira gobolka.

Madaxweyne Geelle ayaa ka hadli doonta inta uu joogo shir madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka qorshaha nabadda ee Suudaan, isaga oo diiradda saaraya dadaallada loogu jiro dib usoo celinta xasilloonida Suudaan.

Afar maalin ka hor Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la kulmay Ergayga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Suudaan, Lawrence Korbani, si ay labada dhinac iskula eegaan qiimeynta xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Suudaan.

Inti uu socday kulanka, Madaxweyne Geelle iyo Korbani ayaa hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in la gaaro xabbad joojin deg-degga ah iyo in gargaar bini aadantinimo la gaarsiiyo dadka dhibaateysan.

Colaadda ka taagan Suudaan, oo sannad jirsatay ayaa sababtay khasaaro lixaad leh, dhibaato bini aadantinimo iyo burburka kaabayaasha dhaqaalaha.

Ka dib shir madaxeedka OIC, Madaxweyne Geelle waxa uu u sii gudbi doonaa Guinea Bissau oo uu booqasho rasmi ah kula kulmi doono Madaxweyne Umaro Sissoco Embalo maalmaha 5-6 May.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here