ACCRA (Dawan) – Dowladda Ghana ayaa ku dhawaaqday saddex maalmood oo baroor-diiq qaran ah kadib markii diyaarado militari ay ku burburtay gobolka Ashanti, taasoo sababtay geerida sideed ruux, oo ay ku jiraan laba wasiir, mas’uuliyiin sare oo xisbi, iyo saraakiil ciidan. Baroor-diiqda ayaa bilaaban doonta Khamiista, 7-da Agoosto 2025, iyadoo calamada dalka la amray in laga dajiyo nus-ka-taako ilaa amar dambe.
Shilku wuxuu dhacay subaxnimadii Arbacada agagaarka deegaanka Adansi ee gobolka Ashanti. Sida ay sheegtay Ciidamada Difaaca Ghana, diyaaradda Z-9, oo ay leedahay Ciidanka Cirka ee Ghana, ayaa ka duushay magaalada Accra kuna sii jeeday Obuasi, balse raadaarka laga waayay inta ay hawada ku jirtay. Maamulka ayaa sheegay in baaritaan rasmi ah lagu wado si loo ogaado sababta rasmiga ah ee shilka.
Xafiiska Madaxa Xafiiska Madaxweynaha, Julius Debrah, ayaa xaqiijiyay magacyada dadka ku dhintay shilka:
Dr. Edward Kofi Omane Boamah, Wasiirka Difaaca
Alhaji Dr. Ibrahim Murtala Mohammed (Xildhibaan), Wasiirka Deegaanka, Sayniska iyo Tiknoolajiyadda
Alhaji Muniru Mohammed, Ku-simaha Isuduwaha Amniga Qaranka iyo Wasiirkii hore ee Cuntada iyo Beeraha
Dr. Samuel Sarpong, Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga National Democratic Congress (NDC)
Samuel Aboagye, Musharraxii hore ee baarlamaanka
Squadron Leader Peter Baafemi Anala
Flying Officer Manaen Twum Ampadu
Sergeant Ernest Addo Mensah
War-saxaafadeed uu saxiixay Felix Kwakye Ofosu, Wasiirka Isgaarsiinta Dowladda, ayaa lagu shaaciyay amar baroor-diiq qaran iyo hakinta dhammaan hawlaha dowladda ee qorsheysnaa inta ka dhiman usbuuca.
“Waxaa jiri doona saddex maalmood oo baroor-diiq qaran ah laga bilaabo Khamiista, 7-da Agoosto 2025. Dowladda, iyadoo loo marayo Madaxa Xafiiska Madaxweynaha, waxay amartay in dhammaan calamada dalka laga dajiyo nus-ka-taako ilaa amar dambe,” ayaa lagu yiri warka.
Shilkan ayaa sababay falcelin baahsan guud ahaan Ghana. Mas’uuliyiinta dhintay ayaa la sheegay inay ku jireen safar shaqo rasmi ah xiliga uu dhacay shilku. Waxaa loo arkaa inuu yahay mid ka mid ah shilalkii diyaaradeed ee militari ee ugu xumaa ee soo mara Ghana sannadihii u dambeeyay.