Sunday, August 3, 2025

Gobolka Banaadir oo bilaabay dhismaha waddo laami ah oo laga hirgelinaayo Hodan.

Muqdisho(Dawan) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha waddo laami ah oo laga hirgelinayo Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, taasoo uu sheegya gobolka inay qayb ka tahay dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha magaalada iyo fududeynta isku socodka bulshada.
Waddadan cusub oo isku xiraysa Waddada Cabdiqaasim iyo Waddada Banaadir, waxaa dhiseysa shirkad maxalli ah oo lagu magacaabo Kulmiye sida uu gobolka sheegay.
Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka, odayaasha dhaqanka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in qorshaha maamulka uu yahay in dakhliga laga ururiyo shacabka dib loogu celiyo adeegyo muuqda oo ay ugu horreyso horumarinta waddooyinka.
“Waxaa naga go’an in aan shacabka dib ugu celinno canshuurta ay bixiyaan, annagoo u adeegsaneyna horumarinta kaabeyaasha sida waddooyinka,” ayuu yiri Muungaab.
Wuxuu sidoo kale ku dhawaaqay in maamulka uu bilaabi doono furista waddooyinka xiran ee aan sabab amni lahayn, si loo yareeyo ciriiriga gaadiidka loona fududeeyo isku socodka dadka.
“Waddooyinka aan culeys amni ka jirin waa la furayaa si loo fududeeyo isku socodka dadka magaalada ku dhaqan,” ayuu yiri, isagoo shacabka ka codsaday in ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka.
Inkasta oo aan la shaacin qiimaha mashruuca iyo muddada dhismihiisu qaadan doono, haddana tallaabadan ayaa gobolka uu ku sheegay inay qayb ka tahay qorshaha guud ee maamulka Banaadir ee lagu doonayo in lagu yareeyo farqiga kaabayaal ee ay Muqdisho la tacaaleysay muddo dheer.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here