Sunday, August 17, 2025
Array

Gobolka banaadir oo doorasho qof iyo cod ah isku diyaarinayo.

Gobolka Banaadir 30 october waxaa ka bilaaban doona doorasho qof iyo cod ah markii ugu horeysay muddo ka badan 50 sano.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta ku dhawaaqay in 30 october in ka badan 800,000 oo qofood ay u dareeri doonaan koobaha codbixinta ay ka dhaceyso, iyaga oo isla maantana ku dhawaaqay in la soo gabagabeeyay diiwaan gelinta codboxoyaasha goleyaasha deegaanka gobolka Banaadir oo socotay muddo 4 bilood ah.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (NIEBC) ayaa sheegay in diiwaangelinta oo ka soo bilaabatay degmada Shangaani 15-kii Abriil, la soo xiray 15-kii Agoosto oo shalay ku beegneed.

Inkastoo bartilmaameedku ahaa in la diiwaangeliyo 812,000 qof, haddana ku dhowaad hal milyan oo qof ayaa iska diiwaangeliyay, taas oo muujineysa rabitaanka shacabka Muqdisho ee in codkooda la maqlo sida ay hay’adda sheegtay.

Gudiga ayaa tilmaamay in shacabka ku nool Banaadir si cad u muujiyeen diyaarinta ay u leeyihiin doorashada. “Ka qeybgalka ballaaran waxa uu caddeyn u yahay go’aan qaadashada shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Muqdisho, ee ku aaddan mustaqbalkooda siyaasadeed,” ayuu yiri Gudoomiyaha Guddiga Cabdikariin Axmed Xasan.

Diiwaangelinta codbixiyayaasha ayaa sidoo kale ka socota gobollo kale oo dalka ka mid ah, sida Bakool, Bay, iyo Shabeellaha Hoose.

Gudiga doorashooyinka ayaa haatan diiwaangelinta doorashooyinka kawada afgooye,  Baraawe, Baydhabo, Xudur, , Marka iyo Laascaanood, taasoo u suurtagelisay shacabka Soomaaliyeed ee ku kala nool gobollada in ay helaan fursad ay ku doortaan golayaashooda deegaanka.

Sidoo kale gudiga ayaa qalabka diiwaangelinta gaarsiiyay degmooyinka Waajid, Walanweyn.

Doorashada October waxa ay noqon doontaa mid taariikhi ah, maadaama shacabka Muqdisho ay markii ugu horreysay tobanaan sano ka dib si toos ah u dooran doonaan golayaasha deegaanadooda iyo duqa magaalada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here