Thursday, June 12, 2025

Gobolka Benaadir oo daawooyin ku wareejiyey xildhibbaanda Hiiraan

Abukar Osman

MUQDISHO, Soomaaliya – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ku wareejiyey xildhibaanada ka soo jeeda gobolka Hiiraan dawooyin loogu talagalay ciidamada Macawisleyda ee gobolka Hiiraan.

Daawooyinkaan ayuu agaasinka caafimaadka ee Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Axmed,  sheegay inay yihiin 150 kartoon oo loogu tala galay ciidamada Macawisleyda ee  dhaawacyada ay soo gaareen, kuwaas oo ku sugan goobaha dagaalka.

Munaasabadda wareejinta ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), xildhibaanada ka soo jeeda Hiiraan iyo marti kale.

Guddoomiyaha Muungaab ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu ka go’an yahay taageerada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee la dagaallamaya Al-Shabaab.

“Maamulka Gobolka Banadir wuxuu garab taagan yahay cid kasta ee argagixisada la dagaallameyso. meel kasta oo ka bilaawdo halgan midka ka socda Hiiraan oo kale, anagana waan garab taagannahay,”ayuu yiri guddoomiyaha. Muungaab ayaa tilmaamay in amniga caasimadda uu ku xiran yahay nabadgelyada gobollada dariska ah, isagoo ballan-qaaday in gargaarkan uu sii socon doono.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here