Saturday, June 21, 2025

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo dib loo dhigay

Muqdisho (Dawan) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa dib loo dhigay oo waxaa lagu qorsheeyey inuu qabsoomo 15-ka Luuliyo 2025, sababo la xiriira diyaar garowga xuska toddobaadka Xorriyadda iyo ahmiyadda uu leeyahay.

Go’aankan ayaa si rasmi ah loogu shaaciyey qoraal kasoo baxay Warbahauinta dowladda ee 20-ka Juun 2025.

Ujeedada ugu weyn ee shirkaan dib loo dhigay ayaa ahaa in laga doodo oo laga gaaro go’aanada ku saabsan arrimaha muhiimka ah ee kasoo baxay shirkii hore ee Gogosha Wadatashiga Qaranka ee 19-ka Juun 2025, ku soo gabagabowday Muqdisho.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa madal ay ku kulmaan hoggaamiyeyaasha awooda fulinta leh ee dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, iyo gobolka Banaadir, kuwaasoo madasha uga wada xaajooda ugana heshiiya arrimaha siyaasadeed ee muranka ku jira, kuwas oo ugu dambeyn baarlamaanka u gudbiya ay go’aan kama dambeys ah uga gaaraan.

Si kastaba, shirka horey waxaa kulamadii u dambeyey  uga maqnaa  madaxda Puntland iyo Jubbaland, sababo la xiriira khilaafaadka siyaasadeed oo kala dhexeeya dowladda federaalka, walaw ay socoto isku dayo uu wado ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay kaas oo kulamo la yeelnaya labada hoggaamiye.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here