Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa Khamiistii ansixiyay Sharciga Macdanta, oo ah qaab-dhismeed sharciyeed oo loogu talagalay in lagu nidaamiyo qaybta khayraadka macdanta dalka isla markaana lagu soo jiito maalgashi kor u qaadi kara kobaca dhaqaalaha.
Sharcigan, oo lagu ansixiyay kulankii toddobaadlaha ahaa ee golaha wasiirrada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo kusimaha Ra’iisul Wasaaraha Salah Axmed Jaamac, ayaa la filayaa inuu abuuro fursado cusub oo maalgashi, kuwa gudaha iyo kuwa dibadda labadaba, isla markaana kor u qaado hufnaanta iyo isla xisaabtanka warshadaha macdanta. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in sidoo kale uu door muhiim ah ka ciyaari doono abuurista shaqo, gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed.
Tani waxay calaamad u tahay xilli cusub oo qaybta khayraadka Soomaaliya, iyadoo ay ka dambeyso horumaro dhowaan ka dhacay sahminta saliidda iyo gaaska.
Intaa waxaa dheer, wasiirradu waxay ansixiyeen Xeerka Xakamaynta Wakaaladaha Shaqo-Gaarka Ah. Kulanka ayaa sidoo kale dib-u-eegis ku sameeyay amniga, oo ay ku jirto howlgalada milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobollada qaar ee dalka. Golaha wasiirrada ayaa bogaadiyey dadaalka ciidamada amniga Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira Ak-shabaab, iyaga oo howlgaladan ku tilmaamay kuwo muhiim u ah soo celinta xasiloonida dalka.