Thursday, August 21, 2025

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Dambiyada Sayberka

Muqdisho (Dawan ) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Dambiyada Sayberka, kaasi oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda.


Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in sharcigaan ayaa xoogga saaraya ilaalinta sirta, badbaadada iyo amniga nidaamyada kombiyuutarrada, shabakadaha iyo barnaamijyada. Waxa kale oo uu diiradda saarayaa ka-hortagga isticmaalka sharci-darrada ah ee nidaamyada kombiyuutarrada, oggolaanshaha iyo habraacyada baarista, dacwad ku oogista iyo ciqaabidda dambiyada sayberka.


“Sharcigan waxa uu diiradda ilaalinta dhaqaalaha qaranka iyo kaabayaasha xogeed ee muhiimka ah,” ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.


Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in hindisahan uu u gudbi doono Baarlamaanka si dood iyo go’aan rasmi ah looga gaaro.


Soomaaliya oo ah dal aad uu isticmaala internet-ka iyo adeegyada ka farcama ayaa sidoo kale wajahaysa kororka dambiyada la xiriira tiknoolojiyadda. Sida ay sheegeen hay’adaha dowladda, sharcigan cusub waxa uu gacan ka geysan doonaa nidaaminta hawlaha Danabeysan iyo xoojinta isla-xisaabtanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here