Muqdisho, Soomaaliya – Guddoomiyaha Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa maanta ka hadlay culeyska fahamka ee nidaamka doorashada qof iyo codka ah ee Soomaaliya, isagoo sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ku adag tahay in ay si buuxda u fahmaan nidaamkaas.
Hadalkan ayaa ka sheegay munaasabad uu guddiga doorashooyinka shahaado urur-siyaasadeed siiyay 6 urur siyaasadeed oo cusub. Guddoomiyaha, oo ka hadlayey munaasabadda, ayaa sheegay in loo baahan yahay in bulshada Soomaaliyeed la wacyigeliyo si ay u fahmaan nidaamka doorashada qof iyo codka ah, maadaama ay 60 sano ku dhowdahay markii ugu dambeysay ee dalka laga qabto doorasho noocaas ah.
“Waad dareemi kartaan sida uu yahay waddo adag oo dadka Soomaaliyeed iyo wacyigelinta ay adag tahay. Dadku inay fahmaan ay ku yara adagtahay, waxaan rabnaa nidaamka iyo duruufaha dhaqaale ee lagu shaqeynayo inaad ka qayb ka qaadataan oo na garab gashaan,” ayuu yiri Guddoomiyaha.
Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sidoo kale xusay in shahaadada urur-siyaasadeed ee la siiyey 6 urur siyaasadeed ay kordhin doonto tirada ururada siyaasadeed ee diiwaan gashan, taas oo tiradooda ka dhigeysa 23 urur, oo ah tallaabo muhiim ah oo ku saabsan siyaasadda dalka.
Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in diiwaangelinta dadka ee doorashada golaha deegaanka ee gobollada dalka ee Dhuusamareeb, Jowhar, iyo Baydhabo uu guddiga aadayo Sabdiga soo socda si loo bilaabo diiwaangelinta iyadoo kadibna SSC Khaatumo ay xigi doonto.