Saturday, July 27, 2024

Hiigsiga Qaran ee 2060-ka oo la daah-furay

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Hiigsiga Soomaaliya ee 2060-ka oo saldhig u ah horumarinta nolasha, xoreynta iyo xasilinta, dhismaha kaabeyaashe dhaqaalaha iyo dowladnimada dalka Soomaaliya ee muddada 40-ka sano ee soo socota.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirka, ayaa sheegay in qorshahaan looga gol-leeyahay sidii loo abuuri lahaa istaraatiijiyad dhaqaale oo xasilloon, loo dhan yahay, oo lagu tartamo gudaha iyo dibadda Soomaaliya.

“Maanta, waxaan bilaabaynaa safar cusub, safar u horseedaya dalkeenna barwaaqo iyo horumar. Hiigsiga Qaran ee 2060-ka waxa uu muujinayaa sida ay nooga go’an tahay in aan ka gudubno caqabadaha hadda jira, annagoo aasaas adag u abuurayna jiilasha soo socda”. ayuu yiri, Madaxweyne Xasan.

Munaasabaddaan oo ay ka soo qeyb-galeen masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, wakiillada beesha caalamka iyo ururrada bulshada Rayidka ah ayaa lagu soo bandhigay qorsheyaasha muddaysan ee horyaalla shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, iyada oo rajo weyn laga muujiyay awoodda jirta ee lagu xaqiijin karo hiigsiga 2060-ka.

Hiigsiga 2060-ka ayaa ka kooban saddex qeybood oo kala ah;

1.Yoolalka dhow (2023-2025): waxa uuna yoolkan ku salleysan yahay xasilloonida, dabargoynta argagixisada iyo xal u helista arrimaha banu aadannimo.

2. Yoolalka Muddada Dhexe (2025-2040): Dhismaha awoodaha hay’adaha, dib u habaynta qaab-dhismeedka dowladda iyo xaqiijinta maamul muaamul wanaagga.

3. Yoolalka Muddada Fog (2035-2060) oo xoogga saaraya horumarinta dhaqaalaha, kor u qaadidda heerka nolosha iyo isku-duubnida bulshada.

Madaxweynaha ayaa yiri “Maanta waxa aan wadno waa dhamaystirka wajiga 1-aad ee Geedi-socodka Horumarinta Hiigsiga, hawshaas oo bilaawday walina socota, waa in aan soo bandhigno qorshe cad oo la jaan qaadi karo xilliga si wax looga qabto duruufaha dalka ka jira”

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee dalka in ay ka shaqeeyaan danta guud si Soomaaliya loo hormariyo.

“Waxaan farayaa Golaha Dhaqaalaha Qaranka ka shaqeynta horumarinta Hiigsiga Qarniga iyo in uu si dhow ula shaqeeyo dhammaan dhinacyada ay khuseyso, sida Wasaaradaha, Hay’adaha kale ee dowladda, Dowlad Goboleedyada , Ururrada Bulshada Rayidka ah, Ganacsata iyo saaxibada caalamiga ah” ayuu madaxweynuhu ku yiri, khudbaddiisa.

Horaantii bishaan, dowladda Soomaaliya ayaa billaawday Nidaamka Ilaalinta Bulshada ee Diiwaanka Midaysan, kaas oo ah qorshe hiigsanaya in hoos loo dhigo saboolnimada iyo cunto yarida, sidoo kalena la diyaariyo bulsho awood u leh in ay u adkeysato masiibooyinka dabiiciga sida Abaaraha, Fatahaada soo noq-noqday iyo dhibaatada Ayaxa.

Xukuumaddu waxa kale oo ay samaysay adeegyo dowladeed oo casri ah, oo ay ku jiraan bixinta kaarka aqoonsiga, si loo xoojiyo macluumaadka dhijitaalka ah ee dalka.

Jimcihii lasoo dhaafay Soomaaliya waxaa loo ogolaaday in ay ku biirto Ururka Bulshada Bariga Afrika oo ay in ka badan 11 sano usoo dagaalamaysay xubinimadiisa iyada oo loo arko inuu wax ka tari doono horumarinta dhaqaalaha dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here