Sunday, June 22, 2025

Guddiga Doorashooyinka ayaa soo Bandhigay Liiska Ururrada Siyaasadeed Ee Diiwaangashan

By Abukar Osman

Kaliya waxa uu soo bandhigay 43 urur siyaasadeed oo isdiiwaan galiyay, liiskaan waxaa ka maqan ururo ay hogaaminayaan siyaasiyiin madax hore soo noqotay kuwaaas oo aan ku qanacsaneed hanaanka ay wax u socdaan.

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay liiska Ururrada Siyaasadeed ee si rasmi ah isku diiwaan-galiyay, kuwaasoo buuxiyay shuruudaha looga baahanyahay ururuda si ay u noqdaan ururo u tartami kara sddexda xisbi siyaasadeed ee lagu wado in uu dalka yeesho.

Sida lagu xusay Bayaanka, Ururrada Siyaasadeed ee liiskan ku jira waxay buuxiyeen dhammaan shuruudaha sharciga, taasoo ka dhigaysa inay si buuxda uga qayb qaataan habka doorashooyinka iyo hawlaha siyaasadeed ee dalka.

Liiskaan waxaa ka maqan ururo ay hor kacayaan siyaasiyiin horay xilal dalka ugu soo qabtay sida Himilo qaran oo uu hogaamiyo madaxweynihii ku meelgaarka Shariif Sheekh Axmed, wadajir oo uu hogaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo xildhibaan ah iyo ururo kale oo badan. Siyaasiyiinti ku mideysaan madasha samata bixinta Soomaaliyeed badankood lama dhacsana habka ay gudigaan iyo dowladaba u wado arimha doorashooyinka, wallow gudiga doorashooyinka ay Muqdisho ka biaaleen diiwaan gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka soo socdo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here