Muqdisho (Dawan) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa si rasmi ah maanta u dhagax dhigay dhismaha waddo muhiim ah oo isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Degmada Wadajir, taasoo horay u burburtay.
Waddadan la dhagax dhigay maanta ayaa hor-marta Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Muungaab ayaa sheegay in dib-u-dhiska waddadan uu ka dhashay baahida weyn ee shacabka ku nool aaggaasi ay u qabeen waddo laami ah oo sahasha isu socodkooda, isla markaasna meesha ka saarta caqabadaha nololeed ee ay kala kulmayeen marista waddadan burbursan.
“Waxaa la ogyahay in waddooyinka burbursan ee magaalada ay bulshada dhibaato weyn ku qabeen, gaar ahaan isu socodka dadka iyo ganacsiga oo caqabado waaweyn ku horyimid,” ayuu yiri Duqa Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxa uu sheegay in maamulka uu soo saari doono habraacyo cusub oo ay waajib tahay in ay raacaan shirkadaha bixiya adeegyada dhismaha iyo farsamada waddooyinka oo maamulka gobolka uusan ogolaan doonin in waddooyinka la dhisayo dib loo jeexo ama waxyeelo loo geysto.
Muqdisho ayaa wajahaysaa caqabado dhinaca kaabayaasha ah, iyadoo burburka caadiga ah iyo kan roobabka ay saameyn ku yeeshaan wadadooyin muhiim ah ee isku xira degmooyinka iyo xarumaha muhiimka ah ee magaalada, iyadoo mararka qaar wadooyin dhawaan la dhisay ay si kadis ah roobabka u burburiyaan.
Dhagax-dhiggan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalintii shalay sidoo kale Maamulka Gobolka Banaadir uu si rasmi ah u dhagax dhigay dib-u-dhiska Laami-Yaraha Zoobe, oo ka mid ah waddooyinka ugu muhiimsan ee magaalada Muqdisho, kana mid ah meelihii si weyn u saameeyay roobabkii xooggaanaa ee bishii May ka da’ay caasimadda.