Tuesday, April 15, 2025
Array

Daahfurka Ololaha Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee Banaadir.

Muqdisho – 13 Abriil 2025
Gudiga Doorashooyinka Qaranka ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray ololaha diiwaan gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka Golayaasha deegaanka Banaadir, iyadoo qorshuhu yahay in la bilaabo 15-ka Abriil ee sanadka 2025. Ololaha diiwaan gelinta codbixiyayaasha ayaa ka dhici doona deegaano badan oo ay dowladda gaartay awoodeeda doorasho qabasho, waxaana marka hore laga bilaabi doonaa degmada Shangaani ee gobolka Banaadir oo ah degmadi ugu horeysay ee degmooyinka gobolka Banaadir, sida uu sheegay Guddoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Qaranka.

Gudoomiyaha, oo ka hadlay munaasabadda, ayaa sheegay in diiwaan gelinta codbixiyayaasha ee golaha deegaanka Banaadir ay muhiimad gaar ah leedahay, waxaana laga shaqeyn doonaa sidii loo hubin lahaa in dhammaan dadka Soomaaliyeed ee xaqa u leh cod bixinta ay si fudud ugu diiwaangashan yihiin.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay Guddoomiye Kuxigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka, iyo Duqa Muqdisho, kuwaas oo sheegay in ololahan uu muhiim u yahay dhismaha nidaamka doorashooyinka dadweynaha.

Duqa muqdisho ayaa sheegay in ay soo gabagaboobi doonto xili ay bulshada dhihi jirtay helin sooma dooran, hada ka dibna ay dooran doonaan qofka ay iyagu rabaan xiliga ay doonaanna ay kala laaban karaan kalsoonida iyo xilka ay u doorteenba.

Daahfurka Ololaha diiwaangelinta codbixiyayaasha ayaa muujinaya diyaar garowga iyo qorshayaasha laga leeyahay doorashooyinka soo socda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here